Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Linkz
    Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Home | News | Gudiga Culimada Oo Kulamo La Yeeshay Yuusuf Indhacadde

    Gudiga Culimada Oo Kulamo La Yeeshay Yuusuf Indhacadde

    Font size: Enlarge font

    Kadib markii laga Qabsaday Gobolka Shabeelada hoose maleeshiyadkii daacada u ahaa Hogaamiye kooxeedka Yuusuf Siyaad Indhacadde, isla markaasna uu dhowaan la wareegay Fariisimada Warshada baastada & Degmada Afgooye, ayuu hadda wuxuu ku mashquulsan yahay sidii uu mar kale u duulan qorsheysan ku qabsan lahaa Magaalooyinka Marka, Qoryooley, Baraawe, W/weyne & Kurtiwarey, wuxuuna hadda magaalada Muqdisho ka wadaa  abaabulo xoogan & hub uruursi.

    Xogtaan ayaa tilmaamtay in dhowaan uu kulamo la yeeshay Guddiga Culimada sixida kuwaasoo doonayay iney ka dhegsytaan aragtidiisa ku aadan sidii loo dhameyn lahaa xiisadaha u dhaxeeya Garabka uu ka tirsan yahay ee Asmara & Gudoomiyaha Isbaheysiga Sheekh Shariif Shariif Sheekh Axmed, waxaa la sheegay in shuruudo uu ku xiran la kulanka Sheekh Shariif isagoo sheegay in marka hore lagu taageero dib u qabsashada Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Sh/hoose iyo jagooyin aan la cayimin loo balan qaado dowlada dhowana la dhisi doono.

    Kulankaan oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa waxaa looga hadlay sidii uu Yusuf Indhacade looga dhaadhicin lahaa in la dhameeyo khilaafyada kala dhaxeeya Isbaheysiga dib Xoreynta, iyo sidii uu taageero heshiiska Jabuuti. Gudigga Culimada ayaa u sheegay ineysan awoodin iney ku taageeraan qodobka ah dib u qabsashada Gobolkaasi, iyagoo sabab uga dhigay inuusan ka soo jeedin Gobolkaasi dhalasho ahaan, balse waxey ugu baaqeen inuu u dhego nuglaado baaqyada nabadeed ee loo soo jeedinaayo isla markaasan uu ka qeyb qaato sidii loo nabadeyn lahaa magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaana la sheegay in kulankaasi uu ku dhamaaday natiijo la'aan.

    Hogaamiye kooxeedkaani ayaa la sheegay in maleeshiyaad & hub uu ku uruursaday Degmada Afgooye, wuxuuna dhowaan qorsheynayaa inuu weerar ku qaado degaanka Janaale & shalaambood, kadib markii uu ku fashilmay weerarkii uu dhowaan ku qaaday tuulada KM-60, halkaasoo khasaare balaaran uu ka soo gaaray isla markaasna looga qabsaday laba gadiid dagaal ah. Si loo fuliyo heshiiskaas ayaa Yusuf Indhacade uu qabsaday magaalada Afgooye, maleeshiyo beeleedkiisana ay weerareen deegaanka KM 60.

    Dad badan oo ka soo jeeda gobolka Shabeelada Hoose ayey fajiciso ku noqotay in Hogaamiye Kooxeedkani uu mar kale damco inuu xoog ku qabsado degaan uusan u dhalan, waxeyna sheeeen in xooga iyo dhaqaalaha uu u huraayo Gobolka Sh/hoose, looga baahan yahay inuu u diro degaanka uu dhab ahaan ka soo jeedo ee Guricel halkaas oo dagaalo ay ka wadaan Maleeshiyaadka Shabaabka ee uu hormuudka ka yahay Madaxa Shabakadaasi Axmed Cabdi Godane, kaasoo hadda ku sugan degaanka Mareer gur ee u dhow magaalada Dhusa mareb ee Gobolka G/guduud.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (4 posted):

    aalow on 21 January, 2009 06:03:44
    Ma quuste Indha cadde waa nin u dhaqma sida jir jiroo laha, waana nin aan ogayn in aay dhamaatay xiligii boobka. waxaan u sheegaynaa in uu iloowo howsha uu ku jiro isla markaana uu danahiisa raacdo. Tan kale mac quul maha in nin noocaan oo kale ah wax laga dhigo maxaa yeelay ehel uma aha in uu wax hogaa miyo. Ha barto sida wax loo maa mulo ha joojiyo sida wax loo boobo!
    samoow on 21 January, 2009 03:25:32
    xaqa taageera. gardaro garab ogna yaan laga yeelin waay o deegaan ahaan kama soo jeedo indha cade. tan kale mar waliba shabaabka heegan haku jiraan. dadka sh/hoode waa dad nabadda jecel gumeysiga madowna ee ethiopia waxba madhaamo. ururka al-shabaab iyo umadda nabada jecel hala taageero nin doonaayo in uu adoonsado shacab soomaaliyeed waadna mahadsan tihiin yaan la hilmaamin dhibaatadii 17ka sano uu kageestay sh/hoose inta maxkamad laga sooo saarayana yaanan loo ogolaan kulaabashada sh/hoose. f.g. alshabaab hadii aad ku qabataan dagaalka isaga iyo ciidankiisaba halagu qaado diinta waxa eey kaqabto. ama beel hubeysan ayuu kasoo jeedaa yaan ladhihin. sharcigana waa in loo sinaadaa iyo kitaabka. wabilaahi towfiiq
    MOHAMED on 21 January, 2009 03:52:55
    Indhacade waa nin aad iyo aad u xun nin shiiq iska dhaafee wax udhaw xitaa aniga ma qabo in lowgy waco marka ninkaas waa nin tuug ah, waa nin boob yaqaano, waa nin dadka dhulkooda inoo xoog ku qabsado u bartay waa nin aad iyo aad xumaantiisa inta lagu soo koobi karin aniga ma aqaan waxa shiiq loo dhahaayo sababtoo ah ninka cilmi malahan xitaa haduu uu kutaabada raacan lahaa ama uu wax baran lahaa beelo ayee ahaa laheyd marka nin dad masaakiinta ah oo dhulkooda u dhashay xaasidnimaa ka badatay biyaha wawiga ka gadi jiray waaye markaas shiiq indhacade la leeyahay war ilaah maa laga baqaa maxaa beenta leysugu sheegaa hadaanan ilaah daacad loo ahaanin walaahi waa la halaagmaa wabilahi towfiiq
    adow on 21 January, 2009 04:04:02
    sheeq mooryaan sh/hoose halaga qabto . sheeq mooryaan sh/hoose halaga qabto sheeq mooryaan sh/hoose halaga qabto. waxaa aad u walwalsan dadka Biyamaal iyo Reer marko kusoo laabashada Mooryaan Gobolka . Sheeq Abu Mansuur diyaar u ahooe habeen iyo maalin Mooryaankan kusoo laabashada Gobolka waana guusha ugu weyn AL-SHABAAB

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0