

C/laahi Yuusuf Axmed oo magan galyo siyaasadeed weydiistay dowladda Yemen.
Madaxweynahii hore ee dowladda KMG ah C/llaahi Yusuf Axmed oo maalinimadii shalay ahayd ka duulay magaalada Galkacyo una boqoolay magaalada Sanca ee Caasimada dalka Yamen ayaa wararka naga soo gaaraya dalkaas waxaa ay sheegayaan in uu magangalyo siyaasadeed waydiistay xukumadda Yamen ee uu madaxweynaha u yahay Cali Cabdala Saalex.
C/llaahi Yusuf Axmed oo dhawaan iska casilay xilka Madaxtinimo ee uu u hayay dowladda KMG ah ayaa saraakiil ku sugan dalka Yamen oo ka itrsan xukumada Yamen isla markaana ka gaabsaday in magacyadooda la xuso waxa ay tilmaamay in C/llaahi Yusuf uu magan galyo weydiistay Xukumada Yamen isla markaana laga aqbalay oo guri uu daganaado la siiyay.
C/laahi Yusuuf ayaa la sheegayaa inuu ku noolaan doono inta noloshiisa ka dhiman dalka Yemen halkaas oo dowladda Yemen ay ka siisay guri weyn oo uu ku noolaado.
Si kastaba ha ahaatee C/laahi Yuusuf oo dhawaan xilka iska casilay ayaa xiriir wanaagsan la lahaa madaxweynaha dalka Yemen waana taas midda ka dambeysay inuu dalka Yemen weysiisto magan galyo siyaasadeed.
Comments (0 posted):
Post your comment