

Xiisado dagaal oo qasaare nafeed geystay oo ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay.
Inta la ogyahay ilaa 4-ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyooday qaar kalena way ku dhaawacmeen dagaallo ka dhex dhacay beelo wada daga degmada Diinsoor.
Dagaaladani oo socday shalay ilaa xalay ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa aanooyin qabiil ah, taas oo keentay in dil dhacay 5-bil ka hor deegaan lagu magacaabo Xabiibiyaal.
Dagaalka ayaa waxa ay wararku sheegayaan in uu ka socday deegaanka Xabiibiyaal oo u dhaw degmada Diinsoor,waxaana wararku ay qeexayaan in dagaaladani ay soo socdeen muddo dheer oo ay ahaayeen kuwa ku saleysan aanooyin qabiil.
Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in beelaha is dagaalay ay isku hor fadhiyaan goob u dhaw goobtii ay xiisadani ka oogantay.
Si kastaba ha ahaatee xiisadaha noocan oo kala ah ayaanan aheyn kuwa ku cusub shacbiga ku dhaqan degmada Diinsoor iyo deegaanada u dhaw dhaw.
Comments (1 posted):
Post your comment