

Wafdi uu hogaaminayo Raisal wazaare Nuur Cadde oo ka qeyb-galay shirkii Kuwait Daawo
Ra'iisul wasaaraha dowladda kumeelgaarka ee Soomaaliyeed Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalay shirkii madaxda Carabta oo ka dhacayay magaalada Kuwait loogana hadlayay arimaha dhaqaalaha iyo cakirnaanshaha ka jira dalkaasi Falastiin gaar ahaan marinka Gaza.
Gaza ayaa soo gaaray bur-bur ba'an kadib markii ay isaga horyimaden dagaalyanhada Xamaas iyo Xoogaga Isreael, waxaana shirka maanta si weyn loogu soo dhaweeyay ra`iisal wasaaraha Somaliya iyo wafdigiisa.
Mudane Nuur Cadde ayaa waxaa uu kulan la qaatay intii lagu guda jiray shirka madax ka tirsan wadamada Carabta, waxaana ka mid aahaa wasiirka Arimaha Dibeda Masaarida Axmed Aboulgheit, madaxweyne ku xigeenka dalka Syria Faaruuk Al sharac iyo madax kale, waxuuna kala hadlay arrimaha Somalia iyo xaalka uu haatan marayo dalka.
Wafuuda Somalida ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa Gudoomiyaha Baarlmaanka Soomaaliya ahna Ku simaha madaxweynaha Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe), safiirka Somalia u fadhiyo Masar C/llaahi Xasan Maxamuud iyo sidoo kale Xasan Taabit oo Raiisul wasaaraha u qabilsan Dhanka nadaaminta.
Soomalida ayaa waxaa ay hore qaadaceen inay ka qeybgaleen shirkii Dooxa ee todobaadkii hore lagu qabtay dalkaasi Qadar taasoo ay carabta inta badan ka qeybsgashay iyadoo ay haatan siyaasada Soomalida ee ku aadan carabta la dareemayo inay u xaglisan tahay dhanka Masaarida, Kuwait iyo sacuudiga oo door weyn inta badan ka qaata arimmaha Somalia.
Comments (0 posted):
Post your comment