Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Linkz
    Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Home | News | Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka duulay garoonka diyarahada ee magaalada Muqdisho.

    Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta ka duulay garoonka diyarahada ee magaalada Muqdisho.

    Font size: Enlarge font

    Wafdi uu hogaaminayo Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho kuwaas oo u dhoofay dalka Jabuuti.

    Sh. Shariif oo ay la socdeen mas'uuliyiin ka tirsan isbeheysiga dib u xoreynta Jabuuti ayaa u socdaalay dalka Jabuuti, iyadoo aanu jirin wax war ah oo ay siiyeen saxaafadda.

    Amaanka garoonka diyaaraha ayaa si weyn loo adkeeyey, waxaana amaanka sugayey ciidamada nabad ilaalinta AMISOM kuwaas oo waddooyinka garoonka gala iyo kuwa ka soo baxa si weyn isugu xeen daabay.

    Ma cadda waxa uu la xiriira socdaalka Sh. Shariif, hase ahaatee waxaa loo badinayaa inuu salka ku hayo qabanqaabada doorashada madaxweynaha cusub oo ay ku midoobayaan dowladda KMG ah iyo isbeheysiga dib u xoreynta.

    Sh. Shariif ayaa maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho markii uu ka soo duulay dalka Jabuuti, waxaana maalmihii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho kulamo la lahaa qeybaha kala gadisan ee bulshada.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Powered by Vivvo CMS v4.0