

Guddiga xabad joojinta ee isbeheysiga dib u xoreynta garabka jabuuti oo ku baaqay in xabadda la joojiyo.
Guddiga xabad joojinta ee isbeheysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti ayaa baaq nabadeed u jeediyey xoogagga Muqaawamada ee weli magaalada Muqdisho ka sii wada dagaalada.
Xuseen Siyaas Qoorgaab oo kamid ah isbeheysiga dib u xoreynta garabka Jabuuti ayaa sheegay inaan loo baahneyn inay dagaalada sii socdaan kol haddii ay bexeen ciidamada Itoobiya.
"Waa in si degdeg ah dagaalada loo joojiyaa oo aaney shacabkeena ku sii jirin dagaallo iyo dhibaatootin, waxaan ku baaqayaa inaan la sii hurin colaad kale" ayuu yiri Xuseen Siyaas Qoorgaab.
Wuxuu si gaar ah baaq ugu jeediyey xoogagga Muqaawamada ee weli dagaalada ka sii wada magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay inay dagaalada jojiyaan oo ay ka shaqeeyaan danta shacabka Soomaaliyeed.
Hadalka Xuseen Siyaas Qoorgaab ayaa imaanaya xilli qaar kamid ah kooxaha dagaalka ka wada Soomaaliya ay ku dhawaaqeen inay sii wadayaan dagaalka gaar ahaan kan ay kula jiraan ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan.
Comments (0 posted):
Post your comment