

Mudane Zakariye Mohamud oo ka codsaday Isbahaysiga dib xoreynta Soomaaliya inuu ku soo biiro kadib markii uu arkay guulaha siyaasadeed ay gaareen.
Dubai 15/01/2009. Warar rasmi ah oo maanta ka helnay magaalooyinka Dubai iyo Jabuuti ayaa sheegaya inuu xiriir la soo sameeyay mudane Zakariye Mohamud Xaaji Abdi madaxda Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya, isagoo ka codsaday inay iska cafiyaan isla markaana uu dib ula midoobo, balse madaxda Isbahaysiga ayaa u sheegay in marka hore Zakariye uu ka hadlo ideecadaha islamarkaana uu cadeeyo inuu ku qaldanaa waxyaabihii uu ka sii dayn jirey ideecadaha wixii ka dambeeyay khilaafka isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.
Mudane Zakariye ayaa maanta ka hadlay ideecada Shabelle ee magaalada Muqdisho isla markaana shaaciyay in wada hadal u socdo isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya balse ka dhigay in labo garab wada hadlayaan.
kooxda Casmara oo markiiba hore ka koobnaa shaqsiyaad xagjirnimo qabiil ku darsaday iyo kuwa naq raac ah ayaa moodaa in waa ku baryay kadib markii horeba aysan ku xisaabtamin sida ay noqonayaan mustaqbalkooda siyaasadeed hadii ay ka hor yimaadaan madaxdooda iyo jidka nabad raadinta xalka Soomaaliya.
Madaxda Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya iyo inta badan xubnaha golaha dhaxe ee ururka ayaa markii horeba aaminsanaa in xabadana la wado isla markaana caalamka lagala hadlo sidii ciidamada Ethopia dalka haysta looga saari lahaa, taas oo aan maanta hayno guushii ama ka mira dhalintii hadafkooda, balse waxaa la isku dayay in halganka dib u xoreynta loo weeciyo loo afduubo shaqsiyaad iyo dowlada Eritareeya iska dhaadhicisay in xalkeedu yahay in ciidamada Ethopia dalka Soomaaliya kaga mashquulaan.
Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Soomaaliya mudane Ahmed Wallad Abdalla ayaa ka hadlay ka bixitaanka ciidamada Ethopia ee Soomaaliya isla markaana soo dhaweeyay arinkaas balse yiri hada waxay taalaa kubada dhan ka Soomaaliya waa inay dalkooda u tashadaan madaama ay ku doodi jireen waxaan hubka u sidanaa ciidamada Ethopia ee dalkeena qabsaday, waxana uu hadalkiisa sii raaciyay waa in la joojiyaa dilka micna darada ah ee sii socda.
kooxda Casmara ayaa waxaa la soo gudboonaday guuldaro siyaasadeed iyo mid ciidanba kadib markii shacabka Soomaaliyeed ay ka soo horjeesteen siyaasadahooda ku dhisan qarbudaada, taas oo sababtey in mudanayaasha kala ah Zakariye Mohamud Xaaji Cabdi iyo Jama Ali Jama inay ka codsadaan inay dib ula midooban Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya si ay u helaan xubin xildhibaanimo ah.
Hasayeshee waxaan la ogayn sida ay ka yeeli doonaan madaxda Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya dalabkooda madaama ay hore u khilaafeen sharcigii u degsanaa ururka kadib markii ay isku magacaabeen xilal beenaadyo ayna burush wasaqaysan la daba taagnaayeen mira ka dhalinta hadafka muqaawamada dalka gudaha iyo dibadaba.
Wixii ka soo baxa gadaal ayaan idinkaga soo qori doonaa hadii Eebe idmo halka u gaaro firxadka kooxda Casmara.
Comments (2 posted):
Marka shariifka waxaa loo isticmaaley in gobanima udirka soomaliyeed lagu kalajebiyo waana lagu guuleeystay. Maanta xamar Ethiopia waaka maxday laakiin madaafiicdii shacbiga lagu gaaraaceeyey meeshoodii aayey kasocdaan. Xulafadii wadanka kusoo duushay qaarna waabaxeen qaarna weli waajoogaan. Shiikh waxaa laga wuuxuu ahaay shaqsi Soomaali oo dhami aay rajo kaqabeen in uu wadani yahay usoo baxay ummada Soomaliyeed. Laakiin wuxuu lamid noqday ragii Soomaaliya soo maray labaatankii sano ee la soo dhaafay ee dhiiga iyo dhabaatada shacbiga dantooda gaarkaa ku raadsaday. Raga casmara jooga iyo Taageerada sha Eritrea la aan tood Ethiopia ma baxdeen Shariifku intii dagaalku socday Hoteel ayuu jiifay waxaa utaageeraysaan. Waa uun caadifad qabiil Maahane wax aan dhibaato aheeyn ee uu soo kordiyey majirto. Waa yoo uqaawamadii uu kala jebiyey. Ashahaado ladiirkiina waxeey labexeen Alsuna wajamaaca. Dadhilifkii Zanaawi keenayna dhinac joogaan. Tala waa tii ala laakiin shariifka ayaa maanta ubaahan dhinaca Casmara ee dhica uma baahna shariifka waayoo dagaalka halkiisa hadii kasiisocdo shariifka wax qabakaraa majirto. Ilaaheey ayaan talada toosan laakiin sida hada wax usocdaan waa qaldantay. Dadkii laray in ay midoobaan ayuu shiifku caadifadqabiil soo dhexdhigay taasna nasiibdaro aad uweyn-sida qaraalkiina kamuuqata ma aad naan eegin dhibaatada Shariifku dhexdhigay Muqaamadii udagaalameeysay sharaftii iyo karaamadii umada Soomaliyeed ahaayna dadka kaliya ee siyaasada Soomaliya aan kusoo gelin qabiil. Marka ileey heeydinka daaweeyo cudurka qabiilka ha indin soo hanuuniyo-Aamin
Marka shariifka waxaa loo isticmaaley in gobanima udirka soomaliyeed lagu kalajebiyo waana lagu guuleeystay. Maanta xamar Ethiopia waaka maxday laakiin madaafiicdii shacbiga lagu gaaraaceeyey meeshoodii aayey kasocdaan. Xulafadii wadanka kusoo duushay qaarna waabaxeen qaarna weli waajoogaan. Shariifkana raali ayuu yahay madafaca cusub ee shacbiga Muqdishu kusocda. Shiikh waxaa lagu haminayey inuu ahaay shaqsi Soomaali oo dhami aay rajo kaqabeen in uu wadani yahay usoo baxay ummada Soomaliyeed.
Laakiin nasiibdaro wuxuu lamid noqday ragii Soomaaliya soo maray labaatankii sano ee la soo dhaafay ee dhiiga iyo dhabaatada shacbiga dantooda gaarkaa ku raadsaday. Raga casmara jooga iyo Taageerada shacbiga Eritrea la aan tood Ethiopia xamar kama baxdeen Shariifkuna intii dagaalku socday Hoteel ayuu jiifay waxaa utaageeraysaana waa uun caadifad qabiil Maahane wax aan dhibaato aheeyn ee uu soo kordiyey majirto.
Waa yoo muqaawamadii waa kala jebiyey. Ashahaado ladiirkiina waxeey labexeen Alsuna wajamaaca. Dadhilifkii Zanaawi keenayna dhinac joogaan. Tala waa tii ala laakiin Shariifka ayaa maanta ubaahan dhinaca casmara ee dhica casmara uma baahna shariifka waayoo dagaalka halkiisa hadii uu kasiisocdo shariifka wax uu qabakaraa majirto.
Ilaaheey ayaan talada toosan baryeynaa laakiin sida hada wax usocdaan waa qaldantay. Dadkii larabay in ay midoobaan ayuu shiifku caadifadqabiil soo dhexdhigay taasna nasiibdaro aad uweyn ayaan u arkaa-sida qaraalkiina kamuuqata ma aad naan eegin dhibaatada Shariifku dhexdhigay Muqaamadii udagaalameeysay sharaftii iyo karaamadii umada Soomaliyeed ahaayna dadka kaliya ee siyaasada Soomaliya aan kusoo gelin qabiil. Marka ileey heeydinka daaweeyo cudurka qabiilka hana indin soo hanuuniyo-Aamin.
Post your comment