Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Linkz
    Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Home | Maqaal | ''Indhocade Indho adkaa fuuloow guuli ku dhawaydaa''

    ''Indhocade Indho adkaa fuuloow guuli ku dhawaydaa''

    Font size: Enlarge font

    Fuuloow Indha Cadde guuli ku dhawaydaa,  Fuuloow guuli ku dhawaydaa
    Waxaa saakay subixii ku soo waabariistey goobihii ay ka baxeen ciidamada Ethopianka koox u hogaaminaayo qabqable dagaal Yusuf Mohamed Siyad ''Indhocade'', sida lagu buun buuniyay website-ka Shabelle ayaa lagu sheegay inuu la wareegay gacan ku haynta warshada baastada ee magaalada Muqdisho, isla markaana uu shir jaraaid ku qabtey isagoo  dhax jooga gudaha isla markaana isku ekaysiinaya nin xoog ku qabsaday xera labo sano ka badan Ethopian xoog ku deganaayeen.
    Isbaariiste Indho cade ayaa sadax hadal oo is wada burinaya ka dhax sheegay mar uu la hadlay saxaafada magaalada Muqdisho, waxana u yiri waxaan qabsanay goobihii ay ka baxeen Ethopianka, waxaan xerada ku  qabsaday  magaca maxkamadaha garabka uu hogaamiyo Cumar Iimaan, hadana wuu sii hadlay waxa uu hadana yiri xeryaha waxaa si wadajir ah u qabsaday isla markaana isla jooga mujaahidiinta oo ka kooban 3 garab oo ku heshiiyay inay isla maamulaan, anigana waxaan ahay Xoghayaha Gashaandhiga Isbahaysiga dib u xoreynta hada mar hadii ay baxeen ciidamadii Ethopia waynu heshiinaynaa ayuu yiri mar afaraad.
    Waxaa yaab iyo ceeb ah in la qabsado ama lagu kala tartamo meel aan muhiimad gaar ah u lahayn in ciidamo laga buuxiyo isla markaana lagu loolamo kadib markii ay ka baxeen ciidamadii cadawga ahaa ee xooga ku haystey madaama ay ku taal meel dadka shacabka ay ku badan yihiin.
    Yusuf Mohamed Siyad '' indhocade''ayaa ah nin waxa u rabo isaga hadlo isla markaana sheegta inuu yahay nin wadaad ah balse dadka Soomaaliyeed ayaa u arka nin aan waxba ka duwanayn hogaamiye kooxeedyadii isaga la  mid ka ahaa ee dalka Soomaaliya  dhibaatada baday, isagoo inta badan lagu xusuusto dhibaatadii uu ku hayn jirey dadka dega gobalka Sh/Hoose inta aysan ka soo eryin xoogaga Al-Shabaab oo uu markii hore gacan saar uu la lahaa si uga hor imaado dadaalada nabada ee maanta lagu bixiyay ciidamada Ethopia ee haysan jirey meesha uu shirka jaraaid ku qabtey saakay Jaalle Indho Cade.
    Waxaa kale oo lagu xusuustaa isbaariiste Jaalle Indho Cade inuu ahaa ninkii Ethopianka ku casumay inay ku soo marmarsiiyoodaan inay qabsadaan dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho kadib markii uu shir jaraaid uu ku qabtey Muqdisho kaga dhawaaqay in ay qarxin doonaan Addis Ababa isagoo ku hadlaya madaxa Gashaandhiga Maxkamadaha Islaamka, kadib diyaarad u raacay dalka Sacuudiga, taas oo Soomaali badan shaki  ka muujiyeen.
    Waxaa iyana yaab ahaa inuu hadana ka soo helo jagada xoghayaha gashaandhiga dib u xoreynta Soomaaliya, kadib markii sirdoonka dowlada Eritareeya ay ku qasbeen ergadii dhisaysay ururka hadii aan Indho Cade madaxa dagaalka loo dhibin in shirka lagu kala tagi doono, taas oo ka yaabisay dadkii inay dalkooda xoreeyaan u yimid dalka Eritareeya, inkastoo aysan lahayn wado kale ayay iska aqbaleen arinkaas si ay u garaan ujeedada dib u xoreynta Soomaaliya.
    Markii dalka uu ku soo noqday ayuu bilaabay inuu iskiis isku caleemo saaro General  in loogu yeero wixii hada ka dambeeya isla markaana yiri Shiikh la iguma yeeri karo, taas oo fajiciso ku noqotey dadka Soomaaliyeed.
    Markii Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya uu khilaafay wadaadka Hasan Dahir Aweys ayuu waxa u la saftey adeerkiis isla markaana u bilaabay inuu aflagaadeeyo gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya si aan xishood lahayn, waxaa xusid mudan in todobaadkii hore  uu gudoomiye ku xigeenkii Maxkamadaha Islaamka Shiikh Janaqow uu kala hor yimid handadaad iyo asluub daro taas oo shacabka Soomaaliyeed mar kale kaga yaabisay hab dhaqanka hogaamiye isbaariiste Indhocade.
    Waxa ay is waydiintu tahay maxaa laga qoraa Yusuf indhocade oo qowl ah? nin caadaystey inuu isaga hadlo waxa  afkiisa ka soo baxa iyo nin 2 secondba  dhinac inuu ka tirsan yahay sheeganaya?
    Waxaa nasiib xumo in hogaankii muqaawamada gudaha ee maxkamadaha islaamka mudane Shiikh C/ Qaadir Cali Cumar oo dalka weli meel uga bixin isla markaana dagaalka ka waday inuusan imaan xataa xeryaha ay faaruqiyeen cadawga dalka haystey madaama uu aaminsan yahay in weli faro ka qodnayn halganka  uuna xaqiiqsanaayo inay gabi ahaan dalka ka baxaan Ethopian, sida ay iisheegen dad ka ag dhaw wadaadka qunyar socodka ah ee afka gaaban inuusan doonaynin inuu dadka is tus tuso madaama waxa uu u dagaalamayay ay ahayd in dalka cadawga laga saaro wax micna ama tartan uusan ugu jirin inuu dadka is tusku tuso  meel laga baxay oo aan wax yaalo aysan jirin ayuu yiri ninka ii waramay saakay aroortii isagoo jooga magaalada Muqdisho.
    waxaan ku soo afjarayaa maxay soo kordhinaysaa meel laga baxay in waan haystaa lagu gorgortamo isla markaana dadka loo muujiyo in la rabo in la soo celiyo hogaamiye kooxeednimadii isbaarada qaabka darnayd.
    Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay gacan bir ah ku qabtaan kuwa raba inay qaab qabiil inay ku gaaran danahooda isla markaana ku hor istagaan tubta nabada soo celinta Soomaaliya iyo dowladnimo qaran ah.
    War Yusuf indhocade indho adkaa oo qaab daranaa tol is qabta kama dambeeyo ayaan filayaa madaama ay ugu horeeyaan jilaafada ka socoto Muqdisho
    mar hadii xero la baxay uu ku habsanaayo soo ma oran karno Fuuloow guuli ku dhawaydaa
    Somalidaxorta desk artical and news
    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (4 posted):

    isho on 13 January, 2009 11:53:08
    war miyeydaan xishooneyn kulligiin waxaad u hadashaan just qabiil war hawiye midgoow ma waxaad garan waydeen in ninka naftiisa dhiigga u saarey daljkiisa in aad hada la sinto dadkale ma oranayo sheqsh waa qof xun ee midwaliba meel ayuu ku fiicanyahaye ha la qiro ee shaqadii ilmaadeerayaaloow wordlornima ee 18 nakale reebtay ka reeba barabagaan dada anigu ceyr baan ahay hadana waxaan jecelahay walaalaheena abgaal ee aanu siyaasad xumo isku seegnay inaanu walaaltinimada uqirno hada ka dibna waxaan rabaa in hiraaba jagadiisa hadaad haysataan sheeqa iyo nuurcade guulayte talada abgaal baanu u dhiibi doonaa kalgacal iyo naxariis iyo jacayna waan idinku dabasocone booska walaalkaa indhocade u ogolow walaal naga reeb waxaan ku kalatagney 18.
    deeqo on 13 January, 2009 07:46:13
    abgaalow maad iska dhaaftaan doqonimo, waligiinba doqonimiin baad ahaydeen shiikh shariif idinka soo dhex baxay, waagiih hore waxaad dhihi jirteen, facaa tuug, ama shariif la soo gamay, maantayna waakaas oo halkaas ayuu taagan yahay, bal yaad rabtiin, ma maxamed dheere iyo salaad cali jeela ayaad rabtiin, isku xishooda ee cadowgiina iyo saxibkiina kala garta.

    wiil galkacyo
    xaqsheeg on 14 January, 2009 03:43:09
    asc wr wb waxaan lahadlayaa wiilsha leh webkan war ilaah ku abuurtay kacbsada marka hore qabiilkana iska dhaafa maxaa iidiin geeyay in aad aflagaadaysaan daahir aweys iyo indhecade at a same time hadii uu san qabiil idin wadin aadna iiguna amaanaysaa shariifka lasoo iibsaday awalba abgaal wax aqli leh kama dhalan xoolayahow isku xishooda gidira la aanteed eber dheh hawiyo
    isho on 14 January, 2009 06:07:30
    Warayaaraheen abgaal maanta waa bacaluul isqaadaye hayga caynin waxaa ka soo baxay nuur dahable iyo shariif oo ay soo saareen indhoiyoxasan mase xumayn abgaal waa walaalaheen marka joojiya aflagaadadii usc afka suubsha habargidir xeeyihiin ayauguba qaladbadaneey galeen dadabadanna waa laayeen waxiskuogolaano dadyahoo oo abgaal uun ha lasiiyo wixii hiraab loo ogolaaday.

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    4.00
    Powered by Vivvo CMS v4.0