

Maxkamad Maraykan ah oo Soo Cusboonaysiisay Dacwad Ka Dhan ah Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya, Maxamed Cali Samatar....
ALEXANDRIA, Va. — Maxkamadda Dhexe ee Rafcaanka ayaa soo cusboonaysiisay dacwad madani ah (Lawsuit) ku saabsan xuquuqul Insaanka oo ka dhan ah ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo lagu eedeeyey dilal iyo xadgudubyo.
Maxkamadda Rafcaanka ee Richmond ee loo yaqaan (4th U.S. Circuit Court) ayaa Khamiistii (Jan 8, 2025) waxay xeerisey in mudacayaashu (dhibanaayaashu) ay dacwad ku oogi karaan Maxamed Cali Samatar oo ku nool magaalaada Fairfax, Va., kaas oo ahaan jirey wasiirka Gaashaan dhigga iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya sanadihii 1980-naadkii iyo horaantii 1990-naadkii xilligii Siyaad Barre, sida ay weriyeen warbaahinta Maraykanku.
Dacwadda madaniga ah waxay Maxamed Cali Samatar ku eedayneysaa in uu masuul ka ahaa dilaal, kufsi iyo ciqaab, ay ku jiraan biyo-ku-hafin, uu u geystey dadkiisa xilligii uu awoodda haystey, gaar ahaan beelaha aan jaalka la ahayn, ayey qortay AP.
Sannadkii 2004 ayaa dacwaddan waxaa la geeyey maxkamadda dhexe ee magaalada Alexandria, Va., ayadoo la cuskanayo xeerka Maraykanka ee Difaacidda Dadka Dhibanayaasha ah ee La ciqaabay (Torture Victim Protection Act). Laakiin sannadkii 2007 ayaa dacwadaas waxaa tuuray ama diidey Qareenka Degmada ee magaciisa la yiraahdo Judge Leonie Brinkema isagoo xeeriyey in Maxamed Cali Samatar uu xaq u leeyahay difaacid (caaganaan) isagoo cuskaday Qaanuunka kale oo Maraykanka oo ah xeerka loo yaqaan Foreign Sovereign Immunities Act.
Laakiin Maxkamadda Rafcaanka (4th U.S. Circuit) ayaa Jan 8, 2025 xeerisey in Qaanuunkaasi uusan khusayn shakhsiyaadka, balse uu khuseeyo Dawladaha iyo hay’adahoose (wakiiladooda).
Xeerkaas waxaa ku kala qaysan Maxkamadaha Dhexe ee Rafcaanka ee Federaalka. Tusaale ahaan Maxkamadda Rafcaanka California ee loo yaqaan (9th U.S. Circuit Court) waxay xeerisaa in shakhsiyaadku ay xaq u leeyihiin xeerkaas ama ay soo hoos gelayaan xeerkaasi in uu kaafi yeelo - waa xeerka Foreign Sovereign Immunities Act.
Qareenka Maxamed Cali Samatar, oo magaciisa la yiraahdo Fred B. Goldberg, waxa uu Jimcadii (Jan 9, 2025) sheegay in uu damacsan yahay in dacwaddaas Rafcaan ka dalbado - waxa uu weydiiyey Maxkamadda 4th Circuit in mar-labaad la dhegeysto ama uu rafcaanka u dirayo Maxkamadda Sare ee Maraykanka ee loo yaqaan U.S. Supreme Court. Maadaama ay jirto kala fikir duwanaan la xiriirta xeerkaas oo ay ku kala qaysan yihiin Maxkamadaha Dhexe ee Maraykanku ayaa waxay arrinta ka dhigeysaa in ay maxkamadda Sare ee Supreme Court ay aqbasho in ay dhegeysto rafcaanka, ayuu yiri qareenku. Cali Samatar waraysi ma siin AP.
Pamela Merchant - oo ah madaxa sare xarunta Justice & Accountability oo fadhigeedu yahay San Francisco, oo ah tan dacwadda soo oogtey iyadoo kawakiil ah dhawr Soomaali ah oo mudaciin ah, ayaa sheegtay in ay macne samayneyso in Cali Samatar oo Maaraykanka ku noolaa muddo 10 sano ah in lagu oogo sharciga Maraykanka.
“Waa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in kuwa ku xad gudba xuquuqul Insaanka oo gabbaad u yimaada Maraykanka in maxkamadaha Maraykanku ay ku soo oggaan wixii ay masuulka ka ahaayeen,” ayey tiri.
Xeerintii (Jan 8, 2025) ee maxkamadda Rafcaanku waxa uu ahaa mid ay qareemadii maxkamaddaasi (4th Circuit) isku raaceen. Qareen Judge William B. Traxler, (oo uu magacaabay Bill Clinton) waxaa fikirkiisa ku raacay Judge Robert B. King, (oo uu magacaabay Clinton). Judge Allyson Kay Duncan (oo uu magacaabay George W. Bush) waxa uu qoray fikir taas raacsan oo qodob yar uun kaga duwan, ayey tiri AP.
Maxkamadda Rafcaanku waxay Jan 8, 2025 daabacday Xeerin ka kooban 23 bog. Waxaana ku astaaysan dadka dacwadda oogaya oo kala ah BASHE ABDI YOUSUF, AZIZ DERIA, iyo 4-Qof oo kale iyo nin sarkaal ah oo magacyadooda la qariyey. Waxaana is-difaacaya oo lagu mudacayaa MOHAMED ALI SAMANTAR.
Comments (9 posted):
Aniga waxaan qabaa in la raadsado dadkii amarka dhiibay.
amarka dhiibay.
Sowse waajib muqadas ah may ahayn in laga hortago tuugadii balaayodoonka ahyd ee dadka iyo dalka meeshaan dhigay maanta.
Post your comment