

Sh. Xasan Daahir Aweys oo cambaareeyey imaatinka Sh. Shariif ee magaalada Muqdisho.
Sh. Xasan Daahir Aweys oo ah guddoomiyaha golaha Shuurada ee Maxkamaha Islaamka ayaa cambaareeyey safarka Sh. Shariif Sh. Axmed oo ku tagay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.
Sh. Aweys waxa uu sheegay in Sh. Shariif uu la bohoobay oo uu qeyb ka noqday cadowgii ay dagaalka kula jireen islamarkaana uu si toos ah ugu biiray dowladda KMG ah oo uu sheegay inay dalka ku soo hogaamisay ciidamada Itoobiya.
"Wuxuu ku biiray cadowgii aan dagaalka kula jirnay, waana qorshe muujinaya inuu isagu si cad qeyb uga noqday hagardaamooyinka ay cadowga umadda la damacsan yihiin" ayuu yiri Sh. Aweys oo qadka taleefanka ugu waramayey Aljaseera.net.
" Waa wax aad looga xumaado in Sh. Shariif ay soo dhaweeyaan dadkii ay colaadda kala dhexeysay iyadoo aanu wax isbadal ah dhicin oo dalka weli uu gumeysi gacanta ugu jiro" ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Wuxuu intaas raaciyey inay xoogagga Muqaawada uga digayaan inaaney ku kadsoomin qorshayaal lagu kala jabinaayo, oo ay wadaan shaqsiyaad dano siyaasadeed leh.
Hadalka Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa ku soo beegmaya xilli maanta garoonka Muqdisho uu ka soo dageen wafdi uu hogaaminayo Sh. Shariif Sh. Axmed kuwaas oo ay soo dhaweeyeen mas'uuliyiin katirsan dowladda KMG ah.
Comments (7 posted):
salaama aleykum
Post your comment