Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | News | Wasiirka macdanta oo shaaca ka qaaday in lasoo af-jaray murankii maamulka Galmudug

    Wasiirka macdanta oo shaaca ka qaaday in lasoo af-jaray murankii maamulka Galmudug

    Font size: Enlarge font

    Wasiirka macdanta ee dowladda Somaliya C/xasan Cawaale Qeybdiid oo iminka booqanaya magaalada Galkacyo ayaa daboolka ka qaaday in murankii ka taagnaa is qab qabsiga madaxtinimada maamulka Galmudug in si weyn loo soo af jaray.

    Isaga oo u waramayay BBC-da laanta af-somaliga ayuu sheegay in isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo uu socdlaakooda la xariiro dhameystirka hishiiskii dhawaan ka dhacay Muqdisho ee lagu laabayay bogaag qilaafyada ee ka dhex aloosnaa maamulka Galmudug ee la xariirtay dhanka madaxtinimada.

    Socdaalkaan wasiirkana ayaa la xariira sidii hishiiskii horay u dhacay iooga dhigo mid la hir giliyo , iyadoo madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed caalim uu so dhisay gole wasiireed ka kooban 10-wasiir .

    Mr.Qeybdiid waxa uu xusay in soo afjarida qilaafkii ka dhex aloosnaa maamulka Galmudig ay wadada u xaareyso dhameystirka wadahalo u dhaxeyay laba beel oo ka soo kala jeeda maamulka Puntland iyo Galmudug.

    Waxa uu daaqada ka saaray hal beel ay dhiseeyo kaliya maamulka Galmudug , iyadoo uu sheegay in afar beel maamulkasi ka dhaxeeyo sida uu hadalka uu u dhigay .

    Dhismaha maamulka Galmudug ayaa lagu dhawaaqay sanadkii 2005-tii , iyadoo lagaga dhawaaqay koonfurta magaalada galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    on 16 January, 2010 07:09:41
    Mar walba waxaan arkaa odaygaan Qeeydiid oo u hadlaya Galmudug,aaway nimankii gobolka Banadir ugu jiray Dawladda miyeeysan eheen dad gobolkooda u damqada maxaa damiir heeysata ilaahoow umad gobolka banadir u damqata noo keen.Reer Banaadiroow kaca idinkoo kaashanaaya Mohamed Dheere waa ninka kaliya eey ku jirto in uu dhibta ka qaado Gobolkiisa ee ilaaheey ha garab galo Aamiin!Saida.

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com