

M/weyne Shariif Shariif oo ku soo laabtay Muqdisho..
Maanta ayaa Madaxweynaha dowladda KMG, Shariif Sheekh Axmed waxaa uu ku soo laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka ay ku soo dhoweeyeen xubno ka tirsan dowladda KMG.
Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Amisom ayaa waxaa ay isku hareereeyeen garoonka Aadan Cadde iyo wadada dheer ee xiriirisa garoonka ilaa xarunta madaxtooyada, si loo xaqiijiyo ammaanka.
Waxaa mudo kooban hakad la geliyay isku socodka caadiga ee dadweynaha iyo gaadiidka ee wadadaasi u dhaxeysa garoonka ilaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, inkastoo daqiiqado ka dib caadi ku soo laabatay dhaq dhaqaaqa wadadaasi.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu ka soo duulay magaalada Nairobi halkaasoo maalmihii u dambeeyay kulamo xasaasi ah kula lahaa qaar ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka iyo saraakiil diblomaasiyiin ah.
Kulamadaasi ayaa waxaa ka soo baxay balan qaadyo ay u sameeyeen diblomaasiyiintaasi dowladda KMG iyagoo sheegay inay taageero siin doonaan dowladda KMG.
Comments (0 posted):
Post your comment