

sedex ka mid ah idaacadaha ka howl gala magaalada Galkacyo oo qarax lala beegsaday..
Warar naga soo gaaray magaalada Galkacyo ayaa ku waramaya in kooxo aan la garan ay weeraro qaraxyo ah oo loo adeegsaday bambaanooyin ku weerareen sedex ka mid ah idaacadaha ka howl gala magaalada Galkacyo.
Saxafi sare Mahad jaamac koronto oo ku sugan Galkacyo aya Calanka u xaqiijiyay in weeraradasi ay aahaayeen kuwa is xiigay oo dhacay caawa xiliga dalka Somaliya .
Radio Galkacyo, Codka Mudug iyo Hobyo ayaa lagu weeraray bambaanooyinkaasi oo lagu soo waramayo in ay geeysteen qasaare dhaawac ah oo soo gaaray wariyaal ka howl gala xarumaha la weeraray.
Wariye Mahad Koronto waxa uu intaa raaciyay in ilaa haatan wararka hor dhaca ah ay tilmaamayaan dhaawaca sedex wariye oo laba ka mid ah ay u shaqeeyaan tv-ga Horn cable ee magaalada hargeysa warka ka soo laliya.
Sida uu xaqiijiyay Mahad Koronto mid ka mid ah raggii weerarka bamkl ku qaaday Radio Galkacyo ayaa gacanta lagu dhigay kaasi oo iminka loo dhaadhiciyay dhanka saldhiga booliska si su`aalo loo weydiiyo.
Illaa haatan lama garan ujeedka weeraradaasi laakiin waxa ay muuqdaan in yihiin kuwo la soo qorsheeyay, mana jirto cid ilaa haatan farta lagu fiiqay , waxa ayna tani soo baxeysa xilli Galkacyo amaankeeda dhawaanahaani uu ahaa mid Bariga Dhexe ah .
Comments (0 posted):
Post your comment