Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | General | Mudanayaasha Barlamaanka DFKG oo mushaar la`aan ah...

    Mudanayaasha Barlamaanka DFKG oo mushaar la`aan ah...

    Font size: Enlarge font

    Xubin caan ah oo ka tirsan baarlamaanka Somaliya ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliya Sheekh Shariif in uu xilka iska casilo isaga oo u daneynaya shacabka sida u hadalka uu u dhigay.

    Xildibaan Cabdi C/laahi Saciid(Jinni Boqor) ayaa sidoo kale ku baaqay in wado waliba loo maro sidii miiska wada xaajoodka loola fariisan lahaa kooxda Al-shabaab si deganaasho loo helo daqaadana looga saaro gurbaanka dagaal ee Somaliya laga garaacyay in muddo ah.

    Isaga oo u waramayay Aljazeera.net ayuu Jinni Boqor dusha u saaray madaxweyne Shariif in uu mas`uul ka yahay amni darada dalka ku sii baaheysa, isaga oo tibaaxay in uu ku fashilmay fulintii balanqaadyadii uu sameeyay xiligii la dooranayay.

    Mudane Jinni Boqor ayaa daaqada ka saaray riyo maalmeedna ku tilmaamay in dowlada guulo ka soo hoyiso dagaalka ay kula jirto kooxaha ka soo horjeeda , waxa uuna ka digay in Somaliya isu rogto Ciraaq iyo Afghanistaan cusub.

    Waxa uu xusay in dagaalada ka socda koonfurta Somaliya aysan kala go`in tan iyo markii Shariif loo caleema saaray xilka , balse dalka ay ka dhaceen qaraxyadii iyo weeraradii ugu xumaa .

    Mudanayaasha Baarlamaanka Oo Mushaar La`aan Ah.

     Mudane JInni Boqor waxa uu daboolka ka qaaday in xubnaha baarlamaanka ay soo wajahday dhibaato maaliyadeed iyo mid siyaasadeed taasi oo ka dhalaneysa rabshadaha Muqdisho ka taagan iyo goblada dhaca konfurta iyo bartamaha dalka taasi oo guud ahaan howl gab ku riday baarlamaanka.

    "Ma awoodaan xubnaha baarlamaanka in howshooda dastuuriga ah ay gutaan kana howl galaan gudaha dalka , iyadoo uu sabab uga dhigay dhibaato lacageed , isag oo xusay in xita aysan haysan adeegga guud sida baabur ka so qaad meesha ay deggan yihiin iyo goobta shaqada"

    Xildibaankan waxa uu ku tilmaamay baarlamaanka Somaliya mid magac ahaan isaga taagan tan iyo sanadkii 2004-ta , waxa uuna tibaxay xaalka baarlamaanka noqday kan xukuumada oo kale .

    Mudanahaan ayaa daboolka ka qaaday in musaharkii ay qaadan jireen ee gaarayay $1200- ahaa in muddo 8-bil ah aysan qaadan wax musahar ah .

    "Mudanayaasha ku sugan Nayroobi , xaalad nolol xun ayay ku jiraan oo aysan u qalmin, waxa ayna haatan ku tiirsan yihiin ehelkooda dibada jooga oo xooga u soo dira , halka kuwa Muqdisho joogana iyana aysan wax badan ka duwaneyn xaalka kuwa Nayrobi", ayuu yiri.

    Xildibaankaan caanka ku ah mucaardnimada ayaa dhibaatada maaliyadeed ee haysata xildibanaada qoorta u saray wasiirka maaliyaad iyo Shariifka dalka xukuma oo uu sheegay in aysan waxba is dhaamin , halka Shar`marka ku tilmamaay nin aan wasiirakaasi la xisaabtami karin .

    Ra`isul wasaaraha ay isku haybta yihiin ayuu ugu baaqay in arimaha taagan soo fara gilayo isla markaana difaaco sumacadda iyo haybada baarlamaanka uu hadalka uu u dhigay .

    Shacbaka Somaliyeed ee ku hoos dhimanaya loolanka dowlada ka dhexeeya iyo kan kala dhaxeeya kooxaha mucaardka ayaan jirin cid u maqan , iyadoo mas`uuliyiinta dowlada ay fiirsanayaan kaliya xoogaaga yar ee ay qaataan .

    Xigasho: http://www.aljazeera.net/NR/exeres/FC962C9C-CF9E-4CAD

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (2 posted):

    Ali on 14 January, 2010 10:42:32
    Doowlad walba oo Somali kadhalata hadii aan sihufan lalasheqenin daacadna loonoqon sidee lohanankaraa in lakaro yoolki lahiksanayay?Cabdi Cabdilaahi saciid(Jini boqor) oo runti cabiray fikirkiisa kanadhawajiyay isaga oo xalada iyo duruufta haysata dowlata oo xilka uu uhayo lokabahna isaka hormood in ukanoqdo lokanataydo wadanka intisa kale ugu shaqeyo si xiska wax uqabso ah.Xildhibaan Cadbi Cabdilaahi(jiniboqor)dowlad kasta oo kadhalado dalka Somali in uu kunoqdo caqabad lashaqeyn wayso kuna bararujinayo xildhibanada si xilkasnimo xuma ah gacmaha in ay ukalaabtaan dowlatana lorido.Waxaan kaxumaha damacisa kubeekan doowlad walba waan ridaya ilaa doorkayka aniga iguyimado hadaba doorkisa yaa isaga lashaqeynaya hadusan maanta isga doowlada lashaqeen?Wabilaahi towfiiq
    on 15 January, 2010 10:24:04
    Mudanayaasha Barlamaanka waxeey mar walba ka hadlaan mushaar l'aan iyagoo dalka Kenia ku nool,marna lagama maqlo war sidee wadanka dhibta ku dheeraatay wax uga qabanaa,damiir xumi iyo qaainu wadan yaa ku habsatay.Waxaa tihiin iimaan laawayaal oo Nairoobi u fadhiya in eey cabaan dhiiga umadda soomaaliyeed.Waxaase run ah badankiin in aad la shaqeeysiin Alshabaab.Waxaan idin leeyahay ilaaheey ka cabsada oo aakhiradiina u shaqeesta waayo wuxuu marayaa meeshii uu Ceeydiid maray xumaan iyo wanaagba.Maanta waxeey taagan tahay ninkii dhiig lahoow kac ee maaha in aad u qeeylisaan lacak aad jaad ku cuntaan.wabillaahi towfiiq.

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com