Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | General | Qorrax Madoobaadkii Ugu Dheeraa Dunida oo Dalka Soomaaliya Ka Dhacay.

    Qorrax Madoobaadkii Ugu Dheeraa Dunida oo Dalka Soomaaliya Ka Dhacay.

    Font size: Enlarge font

    Maanta ayaa qorrax madoobaad - hore loo saadaaliyay - waxaa laga arkay gobolada iyo caasimadda Soomaaliya.

    Magaalada Muqdisho ayaa dadka badan oo isugu soo baxay waxaa ay sameeyeen Alle bari ah iyadoo masaajidada laga tukaday (Salaatu-jameeca).

    Waxaa la sheegay in ay aheyd qorrax madoobaadkii ugu dheeraa ee qarnigan.

    Qorrax madoobaadka ayaa sidoo kale waxaa laga soo sheegayaa dalal kala duwan oo caalamka ah.

    Dhowr maalmood ka hor ayaa waxaa soo baxayay in maanta - 15-ka January - ay dalal badan waajahi doonaan qorrax madoobaad taasoo la sheegay in ay noqon doonto kii ugu dheeraa ee qarnigan.

    Iftiinka qorraxda ayaa caadi ku soo laabtay ka dib markii qadar dhowr iyo toban daqiiqo ay qorraxdu aheyd mid qeyb ka madow ah oo laga arki karay meel kasta oo Soomaaliya ah.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com