

Shariif Oo La Kulmay Labo Wasiir Oo ka Socday UK Iyo Italy... Daawo Sawirada
Madaxweynaha DFKMG Sheekh Sharii Sheekh Axmed ayaa Shalay Gelinkii dambe kula kulmay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya Wasiirka Dowlada Ingiriiska u Qaabilsan Africa Iyo Weliba Wasiirka arrimaha Dibada ee dalka Talyaaniga
Madaxweyne Shariif Ayaa La kulmay Gabadha u Qaabilsan Wasaarada Arrimaha dibada ee Ingiriiska Africa Baroness Glenys, iyaga oo ka wada hadlay sidii dowlada Ingiriisku u taageeri laheyd DFKMG
Wasiirka arrimaha dibada ee DFKMG Cali Jamac Jangeli ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif la kulmay Wasiirada Arrimaha Africa u Qaabilsan Ingiriiska Iyo Weliba Wasiirka Arrimaha dibada Talyaaniga Franco Frattini
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Wasiirka Talyaaniga ka socday iyaga oo ka wada hadlay arrimo badan oo aay kamid tahay Sidii Talyaanigu taageero u siin laha Dowlada Itaalka daran ee U Hoggaamiyo Sheekh Shariif Iyo weliba Taageerada Nabad ku soo dabaalida dalka Somaliya
Kulan dheer oo aay wada yeeshen kadib Ayaa waxa aay labada Mas’uul qabteen shir jaraa’id, isaga oo Wasiirka Talyaanigu halkaasi ka sheegay in Talyaanigu U Maalgelin doono Hawlaha Wasaaradaha Muhiimka ah sidaa arrimaha Dibada, Gudaha, Amniga Iyo weliba Maaliyada
Sidoo kale Talyaaniga ayaa tababaro siin doona Ciidan Boolis oo la dagaalama Aragagxisada, iyo Weliba Ciidan Ilaaliya Xeebaha Oo Talyaanigu Mushaahar siin doono
Franco Frattini Wuxuu sheegay in aysan jirin Wado kale oo dawladiisa u furan oo aan ka ahayn in ay Taageerto DFKMG Ee u Hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed
Kulamada Maalinimadii Shalay ee Khamiista ayaa waxa ka horreyey Kulan kale oo u Madaxweyne Shariif la qatay Dhigiisa dalka Kenya Mwai Kibaki
Dowlada Somaliya ayaa xiligan u muuqata mid heleysa taageero badan in kasta oo aysan awood badan ku laheyn gudaha dalka Somaliya
Comments (3 posted):
cadawga=ka-naxoo nafta waaya?
XAGEE LAGU ARKEY DAWLAD LAGA ILAALIYO SHACABKEEDA OO AY ILAALINAYAAN CIIDAN SHISHEEYE ? TANI WAXEY INA TUSEYSAA IN SHARIIFKA IYO TUUGADIISA AY YIHIIN EEYO LAGU SHAQEYSANAAYO OO FULINAAYO DANAHA SHISHEEYE.
Post your comment