

Ururka Xisbul Islaam oo ka hadlay dagaalada magaalada Beledweyn.
Ururka Xisbul Islaam ayaa maanta waxa ay ka hadeleen dagaalada mudada Shanta maalmood ah ka socda magaalada Beledweyn ee u dhaxeeya ciidamada Ururka Xisbul Islaam iyo Kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca.
Xoghayaha warfaafinta ururka Xisbul Islaam sheikh Maxamed Macalin Cali oo maanta shirjaara’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dagaalada ka socda magaalada Beledweyn ee u dhaxeeya iyaga iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ay sababeen barakac baahsan ,waxa uuna ka codsaday hey’adaha gargaarka in ay gurmad beni’aadamnino u sameeyaan dadka dagaalada ku barakacay.
Sheekh Maxamed Macalin ayaa waxa kale uu sheegay in dagaalada magaalada Beledweyn ay yihiin kuwa iyaga lagu soo qaaday oo ay wado Dowlada Etoobiya , waxa uuna sheegay in ay ku fashiliyeen dagaalada Beledweny.
Xoghayaha Warfaafinta Xisbul Islaam ayaa waxa uu ku eedeeyey dowlada KMG ah ee Soomaaliya in ay wado qorshayaal lacago cusub ay ku soo sameeysaneeyso taasi oo looga danleeyahay in lagu sicir barariyo shacabka Soomaaliyeed ee dhibateeysan.
Hadalkaan ka soo baxay Xisbul Islaam ee ku adaan dagaalada ka socda magaalada Beledweyn ayaa waxa ku soo adayaa xili mudo Shan maalmood ah uu dagaal xoog leh oo geystay qasaaro kala duwan islamarkaana looga yara itaal roonaaday Xisbul Islaam uu ka dhacayo magaalad Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.
Comments (0 posted):
Post your comment