

Shiekh Aadan Madoobe oo cambaareeyay dagaalada B/weyn iyo eedeen uu u jeediyay Al-shabaab
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh. Aadan Madoobe) oo muran la geliyay jagadiisa gudoomiyenimo ee golaha baarlamaanka dowladda KMG ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuuna uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dagaalada magaalada Beledweyn ka sii soconaya.
Waxaa uu sheegay dagaaladaasi inay ku lug leeyihiin "xoogag shisheeye ah", waa sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu tilmaamay Sh. Aadan Madoobe dagaalada maalintii shalaad galay ee ka taagan magaalada Beledweyn inay ka duwan yihiin dagaalada ka dhaca caasimadda iyo gobolada kale ee dalka.
"Waxa meesha ka socda ma'ahan dagaal caadi ah... waxaa meesha lagu gumaaday shacabka," ayuu yiri isagoona baaq u jeediyay beesha caalamka.
Wuxuu ugu baaqay inay faraha la soo galaan si wax looga qabto colaadaha ka taagan Soomaaliya gaar ahaan gobolada dhexe, sida uu mar kale yiri.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa wuxuu ku adkeysay inuu weli yahay gudoomiyaha baarlamaanka dowladda KMG.
"Waala wada ogyahay cid kastana way ka warheysaa in aan sharci u heysto gudoomiyenimadeyda - hadii xumaato aan la dooneynin," ayuu sheegay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo maanta warbaahinta la hadlay.
Comments (0 posted):
Post your comment