

Waxaa si buuxda u fashilmay Shirqool hadafkiisu ahaa in lagu mijaxaabiyo dowladda Sheekh Shariif oo bilihii la soo dhaafay ka socdey magaalada Nairobi ee wadanka Kenya,
Waxaa si buuxda u fashilmay Shirqool hadafkiisu ahaa in lagu mijaxaabiyo dowladda Sheekh Shariif oo bilihii la soo dhaafay ka socdey magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, Shirqoolkaasi oo ay heshiis ku ahaayeen koox daneystayaal ah oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban qaar dantooda khaaska ah ugu jirey iyo kuwo xeelad qabyaaladeed u galay.
Booqashadii Madaxweyne Shariif uu shalay ku tegey Nairobi ayaa waxaa ay sabab u noqotay in ay kala daataan Iimaan laawayaasha Adeeggii Bulshada gabay ee Qabyaaladda iyo fadhi ku dirirka Islii u fadhiistay, kuna faqay in ay kala furfuraan dowladda la daalaa dhacaysa dib u yegleelidda Qarankii Soomaaliyeed ee ay qowleysatadu qarka ka tuurtay.
Xildhibaano gaaraya 114 mooryaan qarameed ku sifoobey oo ka haray maamulkii tala-xumayaal ee uu hojoogaha ka ahaa Cabdulahi Yusufkii la eryey ee Yemen u dalaabay, ayaa shalay ku kala tegey shirqoolkii ay hore ugu heshiiyeen oo ahaa in ay dumiyaan dowladda, si ay fursad uga helaan wixii kale ee yamaada, Muqdishona ay ahaato goob ay dhibaatadu dul hognaato.
Ku dhowaad 70-meeyo Xildhibaan oo aad uga khal-khalay go,aankii ay wada gaareen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo ahaa, in Xildhibaanada jooga Nairobi dhamaantood loo soo tarxiilo Muqdisho ciddii diiddana xabsiga la dhigo, ayaa ka noqday go,aankii Mijaxaabinta dowladda waxaana kulan Nairobi ka dhacay shalay ay ku sheegeen in ay ka tanaasuleen falalkii fidnada ee ay faraha kula jireen.
Kontomeeyo Xildhibaan oo u badan kuwa Puntland kaga jira baarlamaanka Fidaraaliga ah, ayaa xaalkii ku xumaaday kadib markii ay xildhibaanadii kale uga baxeen Shirqoolkii, waxaa ayna soo adeegsadeen inuu u hadlo Cabdi Cabdule Jinni Boqor oo weligii iska dhigi jirey shaqsi wadani ah, balse Midabkiisii runta ahaa la soo baxay shalay.
Jinni Boqor wuxuu Telefon u dirsaday Idaacad laga leeyahay Puntland, wuxuuna ka sheegay erayo isugu Jira Qabyaalad qayaxan, Cay iyo Aflagaaddo uu u geystey Xubnaha ugu sareeya dowladda Gaarahaan Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda, iyo eedeyn iyo been-abuur uu ka sameeyey Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan.
Wuxuu ku eedeeyey Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aden inuu ka dambeeyey Qaraxii dhowr sano kahor magaalada Beydhano lagula beegsaday Cabdulahi Yusuf, wuxuu ku eedeeyey inuu Shariif Xasan uu ka dambeeyey Qaraxii Hoteel Shaamo ee lagu Diley Prf. Caddow, Xubnihii Wasiirrada iyo Ardaydii iyo Dhakhaatiirtii Jaamacadda.
Wuxuu ku taliyey in baarlamaanka iyo Guddoonkiisaba ay sii joogaan, dowladdu ay sii jirto, balse uu Madaxweynuhu Boorsadiisa Xir-xirto oo uu degmada Cadale iska xaadiriyo.
Wuxuu Reer Puntland ugu baaqay kuna cel-celiyey in ay diidaan Lacagta Cusub ee ay dowladda Fideralka ahi soo wado, isagoo sheegay in Lacagtaasi ay tahay mid lagu duminayo Jiritaanka Puntland, hantidoodana lagu dhacayo, sida uu guubaabada u dhigay.
Wuxuu sheegay inuu isagu yahay nin Puntlander ah oo laga yaabo inuu dib ugu soo laabto gobolka uu ka soo jeedo ee Bari, isagoo sidoo kale si sarbeeb ah ugu sheegay in dadka Koonfurta ku nool ay yihiin Xaasid iyo cadowga reer Puntland.
Wuxuu Ammaanay kooxaha dowladda ka soo horjeeda ee Alshabab iyo Xibsul Islam uuna ugu baaqay in ay soo saaraan fadwooyin ay shacabka uga digayaan in la qaato lacagta Sh.Soomaliga ah ee ay dowladdu soo waddo, wuxuuna ku sifeeyey labada urur-diimeed "Culimadii Soomaaliyeed".
Mr. Jinni boqor kama aanu xishoon inuu soo bandhigo cadowtooyada iyo qaa`inul-waddaninimada ka buuxa calooshiisa iyo in badan oo uu siyaasiga koowaad u yahay.
Dowladda Madaxweyne Shariif ayaa looga fadhiyaa in shaqsiyaadkaan ku sifoobey Qiyaano Qaran, Qabyaalad Qayaxan, Iska horkeenid shacab, been-abuur iyo eedeyn Madax qaran, ay tallaabada ku haboon ka qaadaan, si shartooda sheydaanku u dhuray looga badbaadiyo shacabka Soomaaliyeed ee xalaasha ah.
Comments (9 posted):
Waxaznse ku faraxsanahay in qiyaanadoodi ay fashilantay.
Wixi hadda ka dambeeya la iska ilaaliyo.
waxna kama qaban karo oo ilaah baa kuu abuuray, boondheere iyo deyniile waa =,
waxa qora iyo waxa akhristaba
Post your comment