Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | News | Al-shabaab iyo kenya maxaa kala heysta?

    Al-shabaab iyo kenya maxaa kala heysta?

    Font size: Enlarge font

    Al-shabaab iyo kenya maxaa kala heysta?

    Masuuliyiinta dowlada kenya oo aad uga walwalsan inay saameyn kuyeeshaan waxyaabaha soomaaliya ayaa waxa ay bilowday dhaqdhaqaaq ka duwan kii hore kadib markii dhaqdhaqaaqa alshabaab ee ka dagaalama soomaaliya ay qabsadeen deegaanada xadka laleh dowlada kenya ee Jubooyinka iyo meela kale ay ugu danbeysay deegaanka dhoobley oo halkaa dagaalo culus kadib ku qabsadeen.

    Dowlada kenya ayaa maalmahii ugu danbeeyay waxa ay waday howlo ay ku taageersantahay dowlada kmg soomaaliya ayadoo masuuliyiinta dowlada ugu sar sareeya laqaadatay kulamo xasaasiya oo dhamaanba looga hadlay sidii dowlada howlaheeda uwadan laheed dowladaha gobolkane gacan uga geysan lahaayeen nabad ku soo dabaalida gayiga soomaaliya, waxana kulama kala gedisan laqaateen xildhibaano, wasiiro, iyo madaxweynaha soomaaliya shariif sh axmed oo maalintii shalay lakulmay madaxweynaha kenya kibaaki oo ka wada hadlay arimaha soomaaliya.

    Dhinaca alshabaab oo hadalheyntoodu ubadneed dowlada itoobiya ayaa waxaa haatan usoo weeciyeen dhankaa iyo kenya, afayeenka dhaqdhaqaaaqa alshabaab ee deegaanada Jubooyinka ayaa saxaafada uga waramay in dowlada kenya dhaqdhaqaaqyo ku aadan arimaha soomaaliya inay kawado gudaha dlka kenya waxana uu ku tilmaamay kulamada masuuliyiinta laba dowlada iyo dhaqdhaqaaqa kenya ka socda inay ka dhigantahay in dowlada kenya qaadatay qandaraaska arimaha soomaaliya horane qandaraaska uqaadatay dowlada itoobiya kuna hungowday hadane loo weeciyay dowlada Kenya waxana
    Shiikh Xasan Yacquub Cali oo ah Afhayeenka maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee gobolada jubooyinka ayaa dowlada Kenya ku eedeeyey iney ku howlan tahay qorsheyaal ka dhan nabada iyo xasiloonia ka jirta gobolada Jubooyinka.


    Dowlada kmg soomaaliya ayaa ilaa haatan waxa ay wadaa dadaalo ku aadan sidii ay unabadeyn laheed gayiga soomaaliya siiba marka horee magaalada muqdisho ee xarunta soomaaliya waxana barbar socda dadaalada ay ugu jirto inay ka dhaadhaciso dalalka caalamka in lataageero dowlada kmg sidaane waxlooga qaban karo arimaha cakiran ee soomaaliya.

    Sikastaba ha ahaatee madaxweynaha dowlada kenya ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in ay garab taaganyahiin dowlada kmg soomaaliya uu madaxweynaha kayahay madaxweyne sh shariif sh axmed oo dhawaan kulan balaaran laqaatay madaxweynaha kenya, waxana arintaan sii xoojineysaa khilaafka udhaxeeya shabaab iyo dowlada kenya oo mar waliba hadala ka soo baxayaan keeni kara inay dagaalamaan labada dhinac

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (11 posted):

    qur aanka wax halaga badelo on 13 January, 2010 05:29:31
    ALSHABAAB WAA SAX IN DALKA LAGA SAARAA XUKUN KOODA MA U BAAH NIN WAXAY WADAAN SHACI AAN QAAR LAGU DHAQMI KARIN SIDA
    1. IN QOF AAN QOF KALE WAX U DHIMIN DHAGAX LAGU DILO IN
    2. IYO QUR AAN KA OO XUQUUQDII DUMARKA KU TUNTAY
    . SIDAAS OOWGEED ALSHABAAB WAA IN DALKA LAGA SAARAA QUR ANKAN QAAR AAN LA BARA KEE SAN SIDAA AYADAHAA AAN SOO SHEE GEY IYO KUWA KALE .
    Jubba on 13 January, 2010 05:58:09
    Qof yahow kelmad weyn oo gaalnimo ah ayaad ku hadashay! Haddaad MUSLIM ahaydna waad ku gaaloobi kelmada aad ku hadashay ee ah 'QURAANKA WAX HALAGA BEDDELO'. Haddaadan MUSLIM ahayna haddee awalbaanu QURAANKA ku dhaqankiisa waxba kaa quseynin.
    ciyaal faa cali on 13 January, 2010 07:23:25
    soomaaliyay ogaada in qawaarijta ay oglyihiin raalina ka yihiin dooldaha gaalada.
    taa waxa cadeen u ah marka ay ka hadlaayaan waxay carbka ku dhajiyaan in dooladyihiin sida doolaada keynya oo ah ictaaraaf kaamil ah uu siinaayo ayna raali ka yihiin.
    dooladeena muslika ahna ma ogala.
    waa mabda qawaarijta.
    wadanga soomaaliyeedow dib u baar taariiqda qawaarijta
    Ali on 13 January, 2010 08:38:02
    Mahan marki ugu horeysy ee aan kusoqoray qormo kuugu qimeynayo wadanimada.Caqido kasta baad qadan karta oo dhibado malahan hadi aad naftaada kufaxsantahay.Waxaan kushekaya diinta aad haysado ama caqidadaada aad rumeysantahay waxaa kugula xisabtamayo Rabikeen Casaawajala.In aad tahay roox Somali ah dal iyo dad kadhaxeyo taladisa baanunahay waxaan aminsanahay muhimadu in ay tahay sidi aan isukashanlahen islana korfeeynlahen marwalba mustaqbalka ayaha wadankena iyo umaddena Somali.Waxaan kacodsanaya in aad magac labaxdo oo aan gugogaleysano ama waxaan kubixinaya magac wanaagsan oo aad ku so kasho websitka Boondheere taasna si fartan guduudan mesha uka baxdo.Wabilaahi towfiiq
    Malindhere on 13 January, 2010 08:47:21
    AlShabab waa xaraka diin ku Gambanaysa ooo wejigay ku socoto qarihaysa. Waxaa tusaale kuu ah Shuftada umadaxda ah sid Godane, iyo Shongole oo ann la rabin inay burburto beesha ay ka soo jeedaan hase yeeshee jecel inay burburto beelaha koofurta ah sida Xamar, beledwayne, Galguduud, iyo wixi la mid ah. Tanna waxaa u daliil ah maalmihi ciidda la joogay oo ay woqooyi( Somaliland) iskhilaafeen, miyowsan Godane u dirin nasiixa dhehaysay iska ilaaliya khilaafka badan haddii kale waxaa idiin dambayndoonta sida koofurta.

    Reer koofuroow is ogaada in dagaal aarsasho ah la iddiin qorsheeyay ee kuwa lagu shaqaysanaayo sida Muse caraale, Cali dhere, Daahir QWaxaaye, iyo wixi la mid ah oo ayaga la socda ha layska ilaalsho.

    Waxaad mooddaa hadda in la fahmay oo Shacabka reer galgudood, Hiiraan, Gobalk S/dhexe, iyo xamar ba.

    Ha la foojignaado. Waxxad ogaatiin inay Alshabaab iyo Xisbul mucaarad ba aysan sii jiri doonin Dhamashada sanadkaan bidnillaahi.

    Fikradah dilka ah alshabaab ay wadaan ha la darso dabadeena waad fahmaysaa.

    Wa salamu alaykum
    Hatuf on 13 January, 2010 11:26:00
    Waw! Dad badan waxaad moodaa caro aay Alshabaab uqabaan in aay meel kale la'aaday. Qaar ayaa soo qoray diinta wax halaga badalo qaar ayaa soo qoray Kenya meesha hasoo gasho qaar waxa aay qoreen waa qawaarij ee hala laayo. Waxaan dhamaan idiin sheegaayaa in aay san jirin cid idiin daneey neeyso sida Kenya, Ugandha, Burundi, Ethopia iyo Mareeykanka oo meesha diiq iska dhigaayo isla markaana aan dooneeyn i ay wax uga dhintaan somlai. Ma jecli in aan Alshabab taageero lakin waxaan ka sii nec bahay kuwa doowlada isku sheegaayo ee gar gaar ka raadinaayo gaalo. Nabiga ( CSW) waxa uu yiri ( MAN MAHSAA MACA DHAALUMUN LIYU QAWIYAHU WAHUWA YAC LAMU ANAHU DHAALIM FAQAD KHARAJA CANI DIININIL ISLAAM!
    Ali on 14 January, 2010 04:16:44
    War diin waa islanaqanaye jihadka qorika loqaday maxuu yahay xajarul iswadka(kacbada) miyeey galo kusodushay?
    Gursi la'aqoon khaabkisa inlatirqiyo oo qori lakuradiyo caqlika waa udiday.Qurtan aad goynaysaan qiil umahaysaan qoolki rasuulkana maahan qur aankan nomasheekin inta aad isqabojisaan qadirken talasaarta dunada weey idinqabobeysa.Somali nabada nin kuleh aan kuwadanolano wax logarab marayo qiil umahayo wadanimada hadeey daacad nakatahay dhamaantena doowlata hadan nodhisan sharecada iyada aan kawaynay meelkale oo aan kaheleyno majirto niyad sami iyo daacad aan uwada tageerno dhabtiina iyada aan uhakarbaxno waqti kala yoosan nakalumin.Wabilaahi towfiiq
    IBNU JARAAX on 14 January, 2010 11:55:28
    ALIYOOW ALLAAN KUGU DHAARSHAYE WAA ADIGA ALSHABAAB UUN KU HAYEE NINKA WAXAAN ARKAY QORAY MAAD U JAWAABTID HADAAD TAHAY QOF IIMAAN LEH.NABIGGENA NABAD GALYO IYO NAXARIIS DUSHIISA HA AHAATEE MUSLIMMINTA DHABTA AH WUXUU KU SHEEGAY KUWA ALLE IYO RASUULKIISA IYO DIINTEENA MARKA MEEL LOOGA DHACO DANQADA OO KA DHIIDHIYA XADGUDUBYADA GAALADA IYO MUNAAFIQIINTA SIDA KAN KOR WAXA XILE KUSOO QORAY, HADABA WAXAAN ORAN LAHAA DADKA WAX SOO QORAYOOW MUSLIM IYO GAALBA{NABI MAXAMED S W C HAD NO SERVANT,YET THEY CALLED HIM THE MASTER.HAD NO DEGREE YET THEY CALLED HIM TEACHER.HAD NO MEDICINES,YET THEY CALLED HIM HEALER.HE HAD NO ARMY YET THE KINGS FEARED HIM.HE WON NO MILITARY BATTLES,YET HE CONQUERED THE WORLD.HE WAS BURIED,YET HE LIVES TODAY. I FEEL HONEREDTO SERVE SUCH A LEADER WHO LOVES US. IFU BELIEVE IN ALLAH AND IN HIS MESSENGER MUHAMMED SCW FEAR ALLAH AND STAY AWAY FROM FITNAH AND BE AWARE OF THE KUFAARIS. WABILLAHI TAWFIIQ ASCW.
    Ali on 14 January, 2010 04:42:28
    Nabikeena suban CSW cid ukafikarta majirto mana jiri doonto.Nabi maxamed Naxariis iyo nabadkelyo kugisa ha'ahaado ruuxi kaxun xarik inta uu cirka surto heska soo lalmiyo.Qofki modaya in uu rasuulka CSW waxkashekigara iska ayaa qasaray ee makarikaro rasuulka SCW dhibaado buuna kororsaday waxaa laxisaabtamaya Rabikeen Casawajala.Marka ruux qaldan waaye kalsonidiina yowsan idinka weqin, dad nimadiinana usan murugo kubeerin, farxadana noloshana yusan sida ay maqsuudka ukutahay in hoolmalmeedkina firfirconi kuqadataan caro usan kubedelin iyo xanaaq dhib ukenikara naftiina.Wabilaahi towfiiq
    jaabir on 15 January, 2010 03:09:41
    waAn idiin slaamay HATUF IYO IBNU JARAx WAXAAD OGAATAAN CALI LAFTIRKIISABA INEY FAR KUJIRTO CASH MA,AHAN MAYAQAANO SIDA DIINTA LOO DIFAACO LAAKIIN WUXU KUDHEEREEYAA OO LASOO BARAY SIDA LO DACAAYADEEYNAAYO MUJAAHIDIINTA MIDKAAN NACALADA QABO OONEBIGEENA IYO QUR,AANKEENA KARIMKA AYUU KULEEYAHAY WAAD KUSAXANTAHAY OO RA,YIGAAGA WAAD DHIIBAN KARTAA ,, LAAKIIN REER BOONDHEERE WAXAAN USHEEGAYAA WAXAANOO KALE HADII EY KACELIN WAYAAN INEY MEESHA WAX KUSOO QORAAN AYAGUNA INEY LAWAADAAGAAYAAN DAMBIGA WABILAAHI TOWFIQ
    Ali on 15 January, 2010 06:20:58
    Ruux walba ra'yikiisa xaqbu uleyahay in uu dhiibto qofna qofka kale kuma jajubikaro cintikisa oo qofwaba tiisa iska ayaa uxor ah hadi fikirkis kucajabiyo iyo hatii kale.Hateey kucajabisa waad kuracikarta hadiise kucajebinweyso waad ka'amusikarta qasabmaahan in aad ujabaabdo.Noloshuna maaha sahal qormadan waxaan kula jeclaaday in aan hadiyad kagadhiko kuguna soodiry websit boondheere oo si aad uguqibrad qadato waxaad lanoshahay mushtamac kaladuwan si marwalba unoqodo ruux dhamaandoda mushtamaca u ah wiil iyo waalid ama dadka oo dhan saxiib wanaagasan.Wabilaahi towfiiq

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com