

Fadhigii Guurtida oo Hakad galay iyo Hirdanka Xukuumadda iyo Mucaaridka ee Awoodda Golaha
Hargeysa (Boondheerenews) - Fadhiyadii Golaha Guurtida Somaliland ayaa shalay maalintii labaad albaabaddu u xidhanaayeen, ka dib markii uu doraad ku dhawaaqay inuu Golaha xidhanyahay Guddoomiyihii Guddidii joogtada ahayd ee Shirgudoonku sheegeen in la bedelay, waxaanu tilmaamay inaanu aqalkaasi fadhi dambe yeelan doonin inta uu Guddoomiyihii dalka dib ugu soo laabananayo.
Ciidan xoog leh ayaa saaka la geeyay Xarunta Goleyaasha Baarlamaanka, mana jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo maanta ka jiray halkaasi,hase yeeshee waxa la sheegay in Xildhibaanada Muxaafidka ahi ay saaka shir wada tashi ah oo albaabadu u xidhan yihiin ay ku yeesheen xarunta haayada Shaqaalaha. Mana jiro wax war ah oo ka soo baxay shirkaasi oo ammaankiisa aad loo adkeeyay.Dhinaca kale, waxa sii xoogaysanaya Khilaafaadka Mudaneyaasha Golaha Guurtida dhexdooda mana jiro cid illaa imika isku xil-saartay inay ka hawl gasho khilaafaadka Golaha Guurtida ee uu ku furmay Kalfadhigoodan 39-aad oo ah mid ay bilowgiiba isku qabsadeen Qodob ay ku murmeen oo la xidhiidhay in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo Xeer hoosaadka Golaha, waxaana soo jeedintaasi oo uu Golaha u soo jeediyay Mudane Cabdilaahi Sh. Xasan, aad uga biyo diiday Mudaneyaal badan oo u qaatay in arrintaasi ay ka dambayso isku day dhawr jeer dhicisoobay oo la doonayay in Kursiga lagaga tuuro Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ay xukuumada Rayaale u aragto nin aad u adag oo aanay marsiin karin waxyaabo badan oo ay ka fushan lahayd aqalkaasi.Khilaafkaasi ka jira Mudanayaasha Golaha Guurtida ayay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen Xisbiyada Siyaasaddu taasoo u muuqata inay kala jiidanayaan Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridku dhinacyada isku haya talada Golaha Guurtida.Waxa mawqifka Xukuumadda iyo Xisbiga Udub ay ka qabaan arrintan meelo kala duwan ka sheegay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cabdi Daa’uud iyo Agaasimaha Telefishanka Qaranka Maxamed Muuse Diiriye oo ka digay khatarta ay leedahay khilaafkaas in la buun buuniyo oo shacbiga waxaan jirin laga dhaadhiciyo iyagoo dhaleeceeyay isla markaana ku tilmaamay inay Xildhibaano Golaha ka tirsani dhalinyarada ugu yeedhaan Golaha si ay fawdo iyo Nabadgelyo daro uga abuuraanSidoo kale waxa ay ka haadleen sida aan wakhtigan loogu baahnayn in la badhi furo heshiiskii Lixda qoddob ahaa ee lagu heshiiyay kaasoo si cad u qeexaya awoodda qabashada Doorashada inay iska leeyihiin Komishanka Doorashooyinka ilaa ay iyagu soo saaraan wax cad na aan lala iman fad-qalalo iyo kicin iyagoo ku eedeeyay Mucaaridka inay dabada ka riixayaan khilaafka ka dhex aloosan Golaha, Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa isna hore u cadeeyay inaanay Xukuumaddiisu wax shaqo ah ku lahayn Maamulka Golayaasha oo ay u madax banaan yihiin shaqadooda.Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo hadda socdaal ku jooga xarunta dalka maraykanka ee Washington Dc ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisa inay ka dambeeyaan khilaafka ka aloosan Golaha Guurtida, ujeedaduna tahay in la rido Gudoomiyaha.Sidaana wuxuu ku sheegay waraysi uu lala yeeshay isaga oo ku sugan Washington, Su’aal laga weydiiyey khilaafka guurtida soo dhex gallay maalmahii ugu danbeeyey isagoo ka jawaabaya wuxuu yidhi “arrinta warkii ugu danbeeyey ee iga soo gaadhay waxaa weeyi arrintaasi way iska qabawday, golaha guurtidu wuxuu ka mid yahay haayadaha ugu waaweyn ee qarranka, waxay door badan ka soo qabatay xasiloonida iyo degenaanshaha dalka, dhex dhexaadinta markay timaado iyo is afgarasho la’aani markay dalka ka dhacdo mar walba guurtidu door weyn ayey ka cayaarayeen, sidaasi ay tahay maadama ay doorkaasi weyn leedahay, waxaa kale oo ay leedahay oo ay awood u leedahay marka wakhtiga haddii ay doorasho dhici kari waydo in madaxweynahu meesha sii joogo iyon inaanu sii joogin iyo inay wakhtiga u kordhiso ayey awood u leeyahiin, sidaa daradeed mar walba (target) bartilmaameed ayey u ahayd dawladda maanta joogta khaasatan oo muddo badan kordhisatay oo wakhtigii doorashada intay dhaaftay oo mar walba u isticmaalaysay guurtidu inay wakhtiga u kordhiso bilahii danbase aad moodaysay in wax badani iska bedeleen arrintaasi oo shir guddoonkii guurtidu isbedelay oo dareenkii dadka iyo dalka wax la qabanaayeyba ay isbedeleen, oo arrintaasi aad moodaysay in meel adag la isla taagay haddana maamulka maanta jira waxaan qabaa inaanu weli ka qancin arrintaa oo imika dhaq dhaqaaqan ugu danbeeyey ee aynu ka maqlaynay wax kale muu daaranayn wuxuu daarana in hogaanka golaha guurtida farsamo loo helo lagu bedelo si haddii doorasho dhici waydo ama doorashada la carqaladeeyo sidii caadada u ahayd iyadoo dawladda aan isleeyahay maanta cod kama helayso shacbiweynaha reer somaliland maanta inay halkaasi ka rajayso in wakhtiga loo kordhiyo” ayuu yidhi Siilaanyo.Su’aal kale oo la weydiiyey oo ahayd ma aaminsantahay adigu Siilaanyo ahaan in arrintani loola jeeday Guddoomiyaha golaha guurtida Saleeban Maxamuud Aadan wuxuu ku jawaabay Guddoomiye Siilaanyo “iska cadaan weeyi, wax qarsoon maaha reer somaliland oo dhami aad iyo aad ayey uga warqabeen, war cusubna maaha markii ugu horaysay ee la isku dayeyna maaha, waxay ila tahay maamulka maanta jira laba haayadoodba maamulkooda inuu bedelo aad iyo aad ayuu u jecelyahay waa hogaanka guurtida iyo hogaanka baarlamaanka, labadaba haddii uu awood u leeyahay wuu bedeli lahaa midina miridh ma joogeen” ayuu yidhi SiilaanyoSu’aal kale oo la weydiiyey ayaa ahayd Axmed Siilaanyo waxaa jira dareen odhanaya doorashadii wakhti ay dhacayso la garan maayo, wakhtigeediina waa la dhaafay marka goorma la qabanaya doorashadii mise maba dhacayso dareenka adigu ma qabta wuxuu ku jawaabay axmed siilaanyo “horta kollayba dee yeynaan saadasha xumaynin doorasho way dhacaysa aad ayaanan ugu kalsoonahay inay doorasho dhacayso, laakiin wakhti loo qabtay oo aan imika ku odhan kara wakhtigaasi ayey doorashadii dhacaysa ma jirto, arrintaasi waa mid u taalla koomiishanka doorashooyinka, heshiiskii ayey ka mid ahayd haddii wakhti dib u dhacay uu ku jiro waanu jira inuu wakhtiga dibu dhac ku yimid balse waa hawshii la isla ogaa ee ahayd in farsamada lagu noqonayo Serverka oo haayad dibadeed oo farsamo ah loo diray oo la yidhi arrinta ha laga saaro siyaasadda ha loo daayo komishanka iyo cidda galaysa farsamada dibu noqoshada diiwangelinta wixii ka soo baxa iyo wakhtiga halka ka soo baxana in lagu tallo gallo ayuu ahaa tiina weli waa socota waa laga yaaba annaguba ka mid ayaanu nahay runtii dadka yar raagsanaya oo weliba ka xun in ilaa wakhtiga aynu imika joogno inaan wakhti mucayin ah doorashada loo qabanin laakiin dee midda aanu ku kalsoonahay waxaa weeyi dee heshiisna wuu ahaa, ee wax dawladdu ka timid oo ay marna dheeraynayso marna gaabinayso maaha waananu sugayna” ayuu yidhi Axmed SiilaanyoSidoo kale, Ku simaha Gudoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa u soo jeediyay Shir-Gudoonka Guurtida inay Xaliyaan Khilaafka Golaha oo aanay Dalka dib ugu celin Khilaafkii laga soo gudbay. Sidaana wuxuu ku sheegay Xisbigu warsaxaaafadeed uu soo saaray kaasoo isaga oo dhamaystirnaa u qornaa sidan:- “Mudanayaal,Waxaynu ka warqabnaa in maalmahan dambe uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay Golaha Guurtida. Sidaynnu wada ognahay waxaynnu ka soo baxnay khilaaf siyaasadeed oo aad dalka u gil-giley. Haddana waxaynnu ku jirnaa marxaladdii diyaargarowga doorashada Madaxtooyada oo culayskeeda leh, una baahan in laga ilaaliyo wixii xasaasiyad ku keenaya.Xisbiga kulmiye isagoo qaddarinaya waajibka qaran ee dastuurku siiyey Golaha Guurtida, isagoo ogsoon kalintii Golaha Guurtidu ka sooqaatay nabadayntii dalka.Xisbiga kulmiye wuxuu ka filayaa aqalka odayaasha inuu ka fogaado wax kasta oo dhexdooda khilaaf ka abuuri kara, dalkana u horseedi kara khalkhal siyaasadeed.Xarunta wararka ee boondheerehargeysa somalilandbadbado143@hotmail.com
Comments (0 posted):
Post your comment