

Shiekh Shariif oo ka dagay magaalada Nairobi ee dalka kenya
Wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif Sh. Axmed ayaa dhawaan Daqiiqado ka hor ka dagay Magaalada nairobi sida uu noo xaqiijiyay Wasiirka Warfaafinta Daahir Geele oo ka mid ah wafdiga sh Shariif
Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif ayaa waxaa uu casumaad rasmi ah uu ka hellay madaxweynaha dalka Kenya Maui Kibaki, safarka Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif ayaa waxaa ku weheliya wasiiro ka tirsan Golahiisa wasiirada waxaan ka mid ah , Wasiirka Beeraha Maxamed Ibraahin Xaabsade, wasiirka Warfaafinta Dr. Daahir Maxamuud Geelle, Wasiirka Arrimaha dibadda Cali Axmed jaamac Jingili.
Safarka Sh.Shariif Sh Axmed ayaan ilaa hadda la aqoon balse waxaa la filayaa in uu doonayo in Dowlad Kenya iyo xubnaha ka tirsan beesha caalamka oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Warar soo baxaya ayaa sheegay in Madaxweynaha DFKM Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay kulan la qaadan doonaa Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga.
Shiikh Shariif Sh.Axmed iyo wafdigiisa ayaa waxaa kale oo laga yaabaa in ay doonayaan in ay wax ka qabtaan ama xal u hellaan khilaafka ka dhex aloosan xubno ka tirsan xilibaanada Baarlamaanka DFKM oo ku sugan dalka Kenya iyo Muqdisho
Comments (0 posted):
Post your comment