

Dagaalo iyo duaqeymo isku mar bilawday ayaa ka dhacay qeybo kala duwan oo ka mid ah magaalada Muqdisho
Dagaalo iyo duaqeymo isku mar bilawday ayaa ka dhacay qeybo kala duwan oo ka mid ah magaalada Muqdisho kuwaasoo ahaa kuwo aad u culus oo laga dareemayay meelo badan.
Dagaaladan oo bilawday fiidkii ayaa waxaa ay soo gaareen ilaa cishaha waxaana intaasi la maqlayay rasaas xoogan iyo madaafiic cul-culus oo lagu garaacayay goobo kala duwan.
Dagaalka caawa ayaa xoogiisu waxaa uu ka dhacay degmooyinka C/casiis iyo Shibis, wuxuuna saameeyay qeybo ka mid ah Boondheere iyo Kaaraan ee dhinaca waqooyi ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale ayaa dagaal isku mar ay bilawdeen midka ka dhacay waqooyiga ayaa wuxuu isaguna ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Dabka ilaa midka Km4 ee degmada Hodan.
Waxaa ay ka dambeeyeen ka dib markii weerar lagu qaaday xarun ay degan yihiin ciidamo dowladda KMG ah oo ku taala agagaarka hotel Global, waxaana weerarkaasi sheegtay dhaq dhaqaaqa al-Shabaab.
Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa fiidkii ilaa cishahii waxaa ay aheyd mid aad u qasan, iyadoo madaafiicda ay si is-daba joog ah ugu dhacayeen goobo kala duwan inkastoo ilaa hada aan si guud loo sheegi karin inta u gaarsiisan yahay qasaaraha.
Waxaa jawiga uu si tartiib-tartiib ah isku bedelay xilligii salaada cisho markaasi oo ay qaboobeen dagaalada ka socday qeybo kala duwan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Comments (1 posted):
Post your comment