Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | News | Gurmad Ciidan kuwii ugu badnaa oo Alshabaab ah oo saaka ka gudbay Jowhar

    Gurmad Ciidan kuwii ugu badnaa oo Alshabaab ah oo saaka ka gudbay Jowhar

    Font size: Enlarge font

    Boqolaal ka tirsan Xoogaga Alshabaab ayaa waabarigii saaka ka gudbay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe, kuwaasoo ku wajahan Gobolada dhexe ee Soomaaliya, kadib markii dagaalo qasaare culus ka soo gaaray ay sabtidii kula galeen Xoogaga Ahlu Sunah Magaalada Dhuusa Mareeb.

    Qof goob jooge ah oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa sheegay inuu arkay in ku dhow 50-gaadiidka dagaalka oo ay ku jiraan Gawaarida yar yar, taasoo loo maleynayo in ay saaran yihiin Saraakiisha.

    Gurmadka Ciidan ee Shabaab ayaa xalay ka baxay Magaalada Muqdisho ee Gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana Ciidamadan ay yihiin kuwii dhowaan ay tababarka u soo gaba gabeeyeen, isla markaana xirnaa dareyska Milateriga.

    Xoogagan ku baxay Gobolada Dhexe ayaa jimcihii la soo dhaafay waxaa la hadlay Saraakiisha Shabaab, kuwaasoo ku booriyay in ay sii daacadnimo ku jirta uga qeyb qaataan Jihaadka, waxaana magaalada ay sameeyeen dhoolatus Milateri.

    Alshabaab oo haatan Istiraatiijiyad cusub soo bandhigtay ayaa ku wajahan sidii Gobolka G/gaduud duulaano ballaaran ugu qaadi laheyd taasoo aanay aheyn wax xilligan sahlan.

    Cudud Milateri tii ugu ballaarneyd ayay Shabaab isugu geysay Gobolada dhexe kadib markii sabtidii ku guuldareysteen duulaankii ay ku qaadeen Magaalada Dhuusa Mareeb, waxaana gulufkan hada socda ku wajahan yahay deegaanada ay Ahlu Sunah maamulaan oo horay si awood ku jirta looga soo saaray.

    Wararka xaga milateriga laga helayo ayaa sheegaya in Shabaab ay xooga saareyo Gobolada Dhexe, waxaana saraakiishooda sare sheegeen in aanay dagaalka Muqdisho ka wadaan uu uga muhiimsan yahay mid ay ku qaadaan Gobolada Dhexe si ay u xaqiijistaan la wareegitaanka Gobolada Dhexe, xilli ay haatan maamulaan Koofurta iyo qeyb ka mid ah Bartamaha Soomaaliya.

    Dhaq dhaqaaqyada ciidan iyo gulufka ka socda xilligan Gobolka G/gaduud ayaa la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan iyadoo dhinacyada iska horjeeda haatan ay wadaan qaban qaabo xoogan oo midba midka kale uu ku weerarayo

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (3 posted):

    hassan ali on 04 January, 2010 01:02:15
    alshabaab new approach for 2010 is to displace suufiya and their ethiopian allies.the next step is to conquer puntland.viva alshabbab mjahidiin.
    jaabir on 04 January, 2010 02:20:34
    ilaah garabkiina hagalo mushrikinta caabuda dadka dhintay iyo gaalada ey soo baxeysanaayaan jilbaha udhigta inshaa,allaah kina kudhinta waxaan urajeeneeynaa inuu noqdo shahiid ikhlaasna la,imaada hadii ey iskiiyakaa soo dhiibaana wax dhib ah ha,ugeeysanina oo diinta saxa bara kii diidana qoorta uxiira raga nimada hooyadiina ayaa idinku dhashee wabilaahi towfiiq
    Ali on 04 January, 2010 03:08:43
    Waxaa ayaantaro ah dad ismodayo in uu ka fejiganyahay dulmi in ugeesto umada hadana lasafan isagi dadki dulmiloshinka ahaa maxaan kutilmami garna xaqi uhili intu aslaha buu aqonla'aantisa uga soo horjestay daacadi Islaanimo.Wabilahi towfiiq

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com