

Ciidamo Itoobiyaan oo howlgal ka bilaabay Kalabeyr..
Saaka ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu howlgal ka bilawday deegaanka Kalabeyr ee gobolka Hiiraan oo ay sameynayaan ciidamo Itoobiyaan ah.
Ciidamadan Itoobiyaanka oo maalin dhoweyd ka guuray deegaanka Kalabeyr ayaa dib u soo rogaal celiyay saacadihii u dambeeyay, sida ay ku waramayaan dadka deegaanka.
Waxaa ay hakad geliyeen ciidamada Itoobiya gaadiid fara badan, waxaana gaadiidkaasi la arkayay iyagoo saf dheer ku jira isla markaana baaritaan ay ku sameynayaan ciidamada Itoobiya.
Ciidamadan qaarkood ayaa waxaa la sheegayaa inay u dhaqaaqeen goobo kale ee gudaha gobolka Hiiraan.
Arrimahan oo dhan ayaa waxaa walaac faro badan ay ku abuureen dadweynaha deegaanka Kalabeyr iyo guud ahaan magaalada B/weyn.
Dhaq dhaqaaqyadan ayaa waxay imaanayaan iyadoo maalmihii u dambeeyay dagaalo ay ka socdeen deegaanka Ceel-gaal ee gobolka Hiiraan oo u dhaxeeyay dowladda KMG iyo Xisbul Islaam ciidamo kala taabacsan.
r..
Comments (1 posted):
Post your comment