

Dagaal u dhexeeya Shabaab iyo Ahlu Sunna oo kasoconaya Dhuusamareeb.
Dagaallo culus ayaa kasoconaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud kaas oo u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyokuwa Ahlu Sunna Wal Jameeca ee gacanta ku haya inta badan degmooyinka gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa lasheegay inuu qarxay subaxnimadii hore ee saaka kadib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar culus ku qaadeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka xoogiisa uu hadda kasoconayo bartamaha magaalada.
Xoogagga Al-shabaab ayaa lasheegay in kahor intii aanay gudaha u soo galin magaalada Dhuusamareeb ay weerar hobiyaal ah ku garaaceen magaalada, lamana oga khasaaraha dhabta ah oo ay geysteen weerarkaan.
Dadka ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryohooda kadib markii uu saameyn weyn ku yeeshay dagaalka ka qarxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana jira ciidamo fara badan oo gurmad ahaan uga soo baxay degmoyinka Cabud waaq, Guriceel iyo Balanballe oo ay gacanta ku hayaan ciidamada ururka Ahlu Sunna
Comments (0 posted):
Post your comment