Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | News | Kulan dhex maray m/weynaha Iran iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Daawo Sawirada

    Kulan dhex maray m/weynaha Iran iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Daawo Sawirada

    Font size: Enlarge font

    Madaxweynaha dalka Iran Maxamuud Axmadinajad ayaa maanta magaalada Tehran kula kulmay wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jingili.

    Mr. Najaad ayaa kulankaas kadib sheegay in qaar ka tirsan wadamada islaamka ay ka jiraan qataro xoogan, si arrintas looga gudbana loo baahanyahay in ay u midoobaan cadowgooda si ay uga gudbaan dhibaatooyinka soo wajahay.
    “Cadowgu wuxuu ka sameynayaa dhibaato wadamo badan oo islaam ah, waxey shaqaalaynayaan dad badan si ay u gaaraan hadafkooda”, ayuu yiri madaxweyne Axmadinajad, wuxuuna intaa raaciyay in xukuumada Iraan ay rajaynayso xiriir wanaagsan oo dhex mara Soomaaliya iyo Iran.

    Sidoo kale Wasiirka Arrimha dibadda ee Soomaaliya Cali Axcmed Jaamac Jingili ayaa tilmaamay in loo baahanyahay in la helo xiriikii u dhaxeeyay Iran iyo Soomaliya kaasoo saameynaya dhinacyo badan, wuxuu intaa raaciay in loo baahanyahay wada shaqeyn joogta ah oo dhex mara xukuumadaha Iran iyo Soomaaliya.

    Wasiirka arrimha dibadda Soomaaliya ayaa horey kulamo ula yeeshay dhigiisa dalka Iran Mr. Muttaki iyo Gudoomiyaha Barlamaanka dalkaasi Iiraan, wuxuuna ku guda jiraa booqasho shaqo oo uu ku joogo dalka Iran.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com