Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | General | B/weyne oo Faraha foodooda ku taagan, Ciidamadii ugu badnaa oo soo dul degey, barakac ka socda, iyo Xisbul Islam oo u Xeyd-xeydanaya Dagaal

    B/weyne oo Faraha foodooda ku taagan, Ciidamadii ugu badnaa oo soo dul degey, barakac ka socda, iyo Xisbul Islam oo u Xeyd-xeydanaya Dagaal

    Font size: Enlarge font

    Dhaq dhaqaaqyo ciidan kuwii ugu xooganaa ayaa ka socda magaalada B/weyn ee gobnolka Hiiraan, waxaana saaka halkaas gaaray ciidamo fara badan oo taabacsan Xizbul Islaam, kuwaasoo maalin ka hor ka baxay magaalada Muqdisho.

    Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayay wararku sheegayaan in ay doonayaan in ay difaacaan magaalada oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay dagaallo ka dhaceen dhanka duleedka koofur iyo waqooyi.

    Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo xalay gaaray magaalada ay fariisimo hor leh ka sameysteen duleedka waqooyi oo ahaa deegaanadii la isku fara saaray maalmihii u dambeeyay.

    Sarkaal u hadlay dowladda soomaaliya oo la yiraahdo Maxamed cadow ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan yihiin nawaaxiga B/weyn, isla markaana magaalada oo idil ay ku hareereysan yihiin.

    Dagaaladii shalay ka dhacay deegaanka Waadiga xujuub oo qiyaatsii 7km u jira B/weyn ayaa waxaa uu geystay qasaare kala duwan, waxaana inta la hubo ku dhintay labo ruux.

    Xaalada magaalada B/weyn ayaa ah mid aan wali fadhin, waxaana duleedyada magaalada saaka ka socoda barakac ay sameynayaan dadka reer miyiga oo saameyn ku yeeshay dagaaladii maalmihii u dambeeyay ka dhacay, iyadoo magaalada gudeheedana ay si tartiib tartiib ah uga sii baxayaan qoysas ka shaki qaba in dushooda lagu dagaallamo oo ay waxyeelo ka soo gaarto.

    Ciidamada dowladda oo garab ka helaya xoogag taabacsan Ahlusuna ayaa ah kuwo xilligan isu kaashanaya sidii ay ula wareegi lahaayeen gacan ku heynta magaalada, waxaana la ogeyn sida ay ugu suurta geli karto la wareegitaankooda magaaladaas, xilli ay ay isu habar-wacdeen ururka gacanta ku haya ee Xisbul Islam.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com