

Bililiqo aan nooceeda hore loo arag oo saakay ku socota Warshadii dharka ee magaalada Balcad.
Dadweynaha degmada Balcad ayaa saaka ku baraarugay boob iyo bililaqo xoog leh oo ku bilaabatay warshadii dharka ee degmada Balcad, iyadoo wararku sheegayaan in bililaqadaas ay wadaan Shabaabka maamula magaaladaas.
Sida ay wararku sheegayaan gawaari xamuul ah ayaa lagaga daad gureynayaa alaabihii muhiimka ahaa ee Warshada laheyd, oo Labaatan sanadood ka badan halkaasi lagu ilaalinayey, kuwaasoo bur-burkii dowladdii hore kadib ka bad baaday boob iyo bililaqo.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in boobka iyo bililaqada uu bilowday xalay fiidkii, waxaana xalay xabsiga la dhigay qaar ka mid ah ilaaladii iyo shaqaalihii ka howl geli jiray warshadaas ee bad-baadiyay hantidii qaranka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in saaka laga daad gureeyay warshada Makiinadihii waaweynaa iyo matooradii yiiley, kuwaasoo dhinaca Muqdisho loo soo qaaday.
Warshadii dharka Balcad ayaa aheyd tan kaliya ee ka bad baaday warshadihii dalka ka jiray ee la boobay, waxaana maamuladii ay soo martay degmadaas aanay ku xad gudbin warshadaas.
Xogta laga helayo Sababta ay kooxda shabaabku u guranayaan qalabka Warshadda, ayaa lagu sheegay laga iibiyey nin ganacsade ah oo aad u taageera Shababka, waxaana warshadaas lagu rakibayaa Bakhaar weyn oo looga diyaariyey agagaarka Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa.
Warshaddaan fujiska ah ayaa marka Suuqa Xoolaha laga qotomiyo waxaa ay soo saari doontaa dharka Jalaabiibta ay Dumarku isku xijaabaan iyo Saraawiisha Anqawga ka koreeya oo ay caanka ku yihiin maleeshiyaadka firqooyinka Takfiiriga ah, iyo weliba dharka Sarweel-khamiiseedka isku callaqan ah ee laga qaato Afqanistaan iyo Wasiiristaan ee bakistaan oo ay caanka ku yihiin Waaxda Alshabab ugu qaabilsan Qaarijinta & Qoor-goynta kuwa aan ku qancin Manhajkooda ee loo yaqaano Xisbada
Comments (5 posted):
Post your comment