Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | News | 4 qof oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay Duleedka Muqdisho..

    4 qof oo ku geeriyootay dagaal ka dhacay Duleedka Muqdisho..

    Font size: Enlarge font

    Dagaal xoogan ayaa maanta barqadii ka dhacay inta u dhaxeysa kuliyadda Jaalle Siyaad iyo warshaddii Kabka ee magaalada Muqdisho. Dagaalkan ayaa wuxuu ka tagay qasaare dhimasho iyo dhaawac.

    Waxaa ku geeriyooday afar qof ilaa toban kalena waa ay ku dhaawacmeen.

    Wariye ku sugnaa agagaaraha aagaga dagaalka uu ka socday ayaa wuxuu sheegay inuu arkay dadka ku geeriyooday rasaastii la'is weedaarsanayay; waxaana halkaasi laga qaaday dhowr qofood oo dhaawacyo ah.

    Dagaalkan ayaa wuxuu ka dambeeyay ka dib markii weerar lagu qaaday kuliyadda Jalle Siyaad oo ay degan yihiin ciidamad AMSIOM.

    Weerarkan ka dib ayaa waxaa la maqlayay noocyo kala duwan oo hubka ah oo ay isku adeegsanayeen askarta AMISOM iyo kuwo dowladd aKMG ah oo isku dhinac ah iyo xoogagii weerarka ku qaaday kuliyadda Jalle Siyaad.

    Xaaladda ayaa caadi ku soo laabatay dhowr daqiiqo ka dib markii ay istaagtay rasaasta, waxaana intii ay socotay saameyn ku yeelatay isku socodka caadiga oo markii dambe dib u bilawday.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (2 posted):

    baabulka on 30 December, 2009 03:58:12
    bes dagaalee maad taqaanin yaa allah war wax kale barta aan idin dhahaa xataa cirbad sameeyoo illah haka dhigee
    isse on 30 December, 2009 04:09:23
    kuwaan iyagoo nool nool juuniyo hal hal loogu xero oo badda gudaha lagu soo xooro aa ku fiicneyd sababtoo ah waxba umada uma soo kordhinayaan ilaa dagaal ma ehee, ma ogo miyaa in aduunka cirka la aaday lana rabo in la dago, ia wad wad dheh kuwaan dayaxa aan ugu guuraayee..

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com