Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | News | R/wasaare Cumar C/rashiid iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo soo Gaaray magaalada Nairobi.

    R/wasaare Cumar C/rashiid iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo soo Gaaray magaalada Nairobi.

    Font size: Enlarge font

    Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii ay horay u soo mareen dalalka Imaaraadka carabta iyo Sacuudiga.

    Wafdiga Ra'isulwasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana soo dhaweyntooda ka qeyb qaatay safiirka dowladda KMG ah u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko.

    Ra'isulwasaare Cumar C/rashiid ayaa dalka Sacuudiga kaga qeyb galay shir ay halkaas ku yeesheen kooxda xiriirka Somalia (Somali Contact Group), waxaana uu markaa kadib booqasho ugu tagay dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay qarixii kadhacay hotelka Shaamow.

    R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale horay u soo maray dalka Imaaraadka carabka halkaas oo ay kulamo kula soo qaateen madaxda dalka Imaaraadka carabta oo ay kala hadleen arrimaha cakiran ee dalka Somalia.

    Safiirka dowladda KMG ah u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko ayaa u sheegay warbaahinta in R/wasaaraha iyo wafdigiisa ay kulamo kula qaadan doonaan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya beesha caalamka.

    Si kastaba ha ahaatee R/wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa dalka Sacuudiga uga qeyb galay shirkii kooxda xiriira Somalia ay ku yeesheen magaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaas oo looga hadlayey arrimaha dalka Somalia.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (4 posted):

    muwaadin somalya on 29 December, 2009 05:03:23
    qaa in kan uu dhalay ina cali shar maarke war gobo ladaad katimd am aad kasoo jeedaa gun nimo iyo xasuuq ayeey u soo jees teen ma na ka had lin somali maahid ku ma lehi ilaa kin siyaa sada gobola dad ka soo ga shay tacadi ayeey ku haa yaan u mada soomaali yeed mana aad dan ka hadlim ama raa laad katahay mar kaa seed rabtaa inaad ra iisul wasaare ugu noqoto dad kii baqti land ka soo bara kacay safar kasafar wax aan aheeyn ood heey sid malahane orod baqti land iska aad waad heshay fakanse kugu filane waan kabaxay
    Ali on 29 December, 2009 05:15:40
    Ra'isalwasare mudane Cumar Cabdirashiid Illah hakuxifdiyo waxaad tahay dalkisa badbaadshe dadkisa badbaadshe waa lakugumahadiye mahdi.Wabilahi towfiiq
    mu waadin soomali ah on 29 December, 2009 07:41:36
    saaxiiba yaalka qiimaha badan noow qof kaan macaqli badna waa niiqle aan wac yiga jira la socon karin yaa nuw waq tidin ka lumun sidii garuur tii ayuuw rabaa inuuw u hadaaqo hadana la dhe geeys tee waad mahad san tihiin in ta wanaaga iyo soomaali nimadu la weeyn tahay in ta qabiilka cabs ana bus ku yuu san idin ka tegin jaaw jaaw baska dan be soo raaca
    Dahir on 29 December, 2009 08:07:41
    Muwadin Somali oo xalaal ah Waxuu kufana kalsonidisa wadanimo marwalba sikesinimo leh ugarabsiyo ahmiyada waxdarka dalka iyo dadka uleh.Maanta lashaqeey berido hakulashaqeyo.Mucaradku waa in uu ogado talada dalka in uu kaladhaxeyo umada Somali oo dhan.

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com