

Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu sheegay inay dowladdiisa olole ugu jirto sidii loo sameyn lahaa maamulo goboleedyo horleh.
Madaxweynaha dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu sheegay inay dowladdiisa olole ugu jirto sidii loo sameyn lahaa maamulo goboleedyo horleh.
M/weynaha ayaa wuxuu ka hadlayay munaasabad maanta lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, halkaasoo xilka madaxtinimo lagu wereeijinayay M/weynaha maamul goboleedka Gal-Mudug oo shalay loo tanasulay.
M/weyne Shariif ayaa si diiran u soo dhoweeyay isku tanasulka madaxtinimada maamulka Gal-Mudug, waxaana ugu baaqay M/weyane goboleedka Gal-Mudug inuu la shaqeeyo dowladda KMG.
"Dowladda waxaa ay qorsheyneysaa sameynta maamulo cusub oo laga hirgeliyo gobolada," ayuu yiri M/weynaha oo intaa ku sii daray inay talaabo hormar leh ay tahay isku tanasulka ay sameeyeen mas'uuliyiintii ku mursan sanaa talada maamulka Gal-Mudug.
Waxaa arrin qatar ah uu ku tilmaamay muranka ka dhasha xuduudaha gobolada, isagoona arrintaasi ka waaniyay dadka gobolada degan inay ka digtoonaadaan.
M/weyne Shariif ayaa sidoo kale wuxuu soo dhoweeyay qorshe dhowaan soo shaac baxay kaasoo lagu diyaarinayo maamul goboleed mideynaya lix gobol oo ku yaala dhinaca koonfur galbeed ee dalka.
Comments (3 posted):
Post your comment