Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | News | Dowladda soomaaliya oo wacad ku martay in magaalada Muqdisho hananeyso, xilli ay shalay ku fashilantay qabsashada Saldhiga Hodan.

    Dowladda soomaaliya oo wacad ku martay in magaalada Muqdisho hananeyso, xilli ay shalay ku fashilantay qabsashada Saldhiga Hodan.

    Font size: Enlarge font

    Xukuumada R/wasaare Cumar C/rashiid cali sharmaarke ayaa ku warantay in ay gebi ahaanba hanan doonto ammaanka caasimada Muqdisho sanadka cusub, xilli ciidamo cusub loo soo tababaray.

    Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha C/rashiid Xidig ayaa ku faanay in haatan dowladda Soomaaliya ay awood buuxda u leedahay in ay la wareegto amaanka magaalada Moqdisho, waa sida uu qoorta la taagaye.

    "Shalay sida aad wada ogtihiin dalka Uganda waxaa tababar ugu soo xirmay Ciidamo ka tirsan xooga dalka, bishii horena Dowladda aynu dariska nahay ee Jabuuti waxa ay tababar u soo xirtay ciidamo Soomaali ah kuwaasi oo awood buuxda u leh in ay wiiqaan Islaamiyiinta mayalka adag" ayuu yiri C/rashiid Maxmed Xidig.

    Laakiin isku day shalay gelinkii dambe ay ciidamada booliska ku doonayeen in ay kula wareegeen Saldhiga booliska Hodan ayaa waxaa ka hor yimid xoogaga Xizbul Islaam oo dagaal jilbaha dhulka ula dhigtay kana soomiyey in ay Booliisku Saldhiggii qabsadaan.

    Afhayeenka Booliska C/laahi Bariise ayaa sheegay in ciidamada booliska la wareegeen saldhiga Hodan, hase ahaatee Afhayeenka Xizbul islaam ayaa beeniyay warkaas, isagoo saxaafada ku casuumay in ay soo booqdaan.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (5 posted):

    daacad dulmi diid on 28 December, 2009 10:50:46
    ac.w.b.r t waxaan aad u jee daan maahan ciidan soomaliyeed oo jaceeyl somaali nimo ku jiro una galay cidanka ineey difaa caan shafta iyo karaamada is laamka iyo dalka iyo dadka waayo waxaa loo baahan yahay in la hello doowlad loo dhan yahay leeys ku raac san yahay iyo muwaafaqo umada oo dhan ka dha xeeysa markaa yeey difaa caa yaan gruub kamid ah qoow miyada soomaali da taasi maahan war ee waxeey idin ka dhegeey saa loojineeryo ama clooshood ushaqeeys ta yaa sidaad ayaana qor madeeyda ku salee yey waana kaba xay baaaay
    Ali on 29 December, 2009 04:33:16
    Mucaradka danta wexeey ugujirda in lahelo nabad si figirka ay leyihiin ugu soo kudbiyaan uguna soo bandhikaan ahmiyada iyo maslaxada dalka iyo dadka uhayaan islamarkaana shacabk Somali kalsoni ugakasbadaan siyasad latabaqadikarta horumar bulshada Somali waa halka kuhaboon intalabada mucaradka Somali in ay kabilabaan kalana shaqeyaan dowlada haadan jirda nabada iyo xasilonida.Dagdagsiinyo Somali wexeey yirahdaan doormadhasho.Wabilahi towfiiq
    jaabir on 29 December, 2009 08:20:20
    layaab malahan waa markii lasiiyo mushaarkii ey sugaayeen shan bilood ama kabadan ayaa shuruudo looogu dhigaa hadaad qaadataan mushaarka waa inaad weerer qaadaan aad meel qabsataan kadibna kudhaarataan inaad lawareegeeysaan caasimada oo dhan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk walaahi qosolka ayaa iga dhamaaday marka akhyaartow waa niman meel kuxareeysan oo sida eeyaha oo kale markii lasiiyo hilib ayaa lahowl gelinaayaa waadna arkeeysaan mar dambe weerar masoo qaadaayaan ileyn weyku fashilmeenee midkii shalay mideeda kale ayagaamba kalsooni isku qabin soomaa marka ilaaheey hasoo hanuuniyo hadii uusan hanuun larabina ilaaheey haku baabi,yo gacanta mujaahidiinta ileyn dad diin leh ma,ahan wabilaahi towfiiq
    Shugri on 29 December, 2009 05:22:54
    Nin dhalinyaro ah oo muwduca wax kabaxsan iyo habaartamayo dunida welikeed lakamashekin waan kaxumahay Jaabir.Nabadey
    jaaaabir on 30 December, 2009 08:31:52
    shugri waan kusalaamay ee habaarka waxaa kahoreeyey duco waan uduceeyey inuu ilaaheey soo hanuuniyo sifican u akhri qoraalkeyga ,byee

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com