

Sheekh Cali Dheere Oo Bulshada Muqdisho Uga Digay Dhegeysiga Idaacada DFKMG
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh Cali Maxamud Raage (Cali Dheere) ayaa uga digay Bulshada reer Muqdisho in aanay dhageystan Idaacada Ku Hadasha Afka DFKMG ee Radio Muqdisho
Cali Dheere Ayaa Sheegay In Idaacada Radio Muqdisho Aay tahay Mid Ka soo horjeeda Ummada Islaamka oo U Adeegta Yahuud Iyo Mareykan Waa Sidaa u Hadalka U Dhigay, isla markana aysan waajib aheyn inu qof Muslim ah u dhegeysto
Lama oga waxyabaha lagu sameyn doono cida ka soo horjeesata Hadalka Afhayeenka Alshababa in kasta oo Arrinkan aay Sameyn weyn ku yeelan doonto dadka Magaalada Muqdisho
Idaacada Radio Muqdisho ee ku hadasha Afka Dowlada Ayaa laga hawl geliyey magaalada Muqdisho 24 Bishii October, iyada oo Noqotay mid aad loga dhegeysto magaalada tan iyo markii aay hawada gashay taasina waxay in badan ka caraysisay Masuuliyiinta Shabaabka oo iyagu u arkay Idaacadan mid iska horkeeneysa iyaga iyo Dadka Shacabka ah
Comments (19 posted):
dadku isticmaar kuma jiraan ee dadka u dhaafa xuriyadooda
cali dheere tubaaka ayaa haysay marka raali ahaada inta uu ka taqsiinto.
Post your comment