

Kulanka Baarlamaanka oo maalintii labaad u baaqday Kooram la'aan iyo Gudoomiyaha oo iska seexday
Kulan Baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeelan lahaa Magaalada Muqdisho ayaa fashilmay, kadib markii tiradii loogu tala galay ee Kooramka uu ku furmi lahaa uu buuxsami waayay, iyadoo la sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu isna ka baaqsaday.
Warar kala duwan ayaa la isku dhex wadaa, tan ugu horeysa ayaa sheegeysa in Xildhibaanada Baarlamaanka oo lagu wargeliyay shalay in ay kulan isugu yimaadaan maanta ay intooda badan soo xaadiri waayeen, taasoo lagu sheegay in Baarlamaanka uu kulankiisa ka dhicisoobay.
Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ayaa eeda dusha ka saaraya Gudoomiyaha Baarlamaanka oo soo xaadiri waayay, ha yeeshee warar lagu kalsoonaan karo ayaa tilmaamaya in markii Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe uu ka war helay in Xarunta Baarlamaanka aanay Xildhibaano badan joogin uu iska baaqday.
Baarlamaanka fadhiidka ah ayaa tan iyo bishii Ramadaan ee uu fasaxa galay uu noqday mid kulamadiisa uu gaabis noqdo, inkastoo Kulan uu yeeshay afar maalmoodka hor uu furmay, kaasoo uu ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa wali laga baafinayaa Idaacadaha, kuwaasoo ku kala firirsan duniada dacaladeeda oo ay dibad wareeg ku noqdeen, waxaana Gudoonka Baarlamaanka uu u qabtay in muddo 10-cisho ku soo xaadiraan.
Baarlamaanka ayaa u muuqda inuu howshiisa uu gabay, mana jirto howlihii loo igmaday oo uu ilaa iyo hada ka soo baxay, waxaana dad badan shaki gelinayaan sharci ahaanshihiisa maadaama aanay suura gelin in kulamadii loogu tala galay uu yeesho
Comments (3 posted):
Post your comment