

Jeelle oo kahadlay Warqad Dacwo ah oo laga Gudbiyay Xldhibaano Cali Maxamed Geeddi
iyadoo maalmihii lasoo dhaafay hadal heynta ugu badan ay ahayd waraaq codsi ah oo ay wasaarada arimaha dibada dowlada somalia ugudbisay dowlada kenya taas oo ku aadan dacwad kadhan ah xildhibaano dowlada somalia katirsan ayaa waxaa arimahasi kahadlay mid kamid ah xildhibaanada lagu eedeeyay.
Salaad Cali Jeele oo isagoo kusugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya lahadlayay Idaacada Af-Soomaaliga kuhadasha e Nairobi kutaal ee StarFm ayaa waxaa uu sheegay in isaga uu bari kayahay dadka laga soo gudbiyay dacwada,laakiin waxaa uu qiray in Ra'isul wasaarihii hore ee soomaliya cali maxamed geedi laga soo gudbiyay dacwadaasi.
Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in haatan uu meel wanaagsan marayo xalinta muranka taagan, iyagana aysan gabi ahaanba aysan samayn falka lagu eedeyey.
Xildhibaan salaad cali jeele waxaa uu qiray in waxyaabaha ay kawada hadlayeen ay ubadnaayeen dhinaca amaanka dalka somalia oo ay dagaalo kasocdaan, isla markaana aysan wadin siyaasada kadhan ah dowlada madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed.
Ugu danbeynii mudanahan katirsan Baarlamaanka KMG Somalia mar laweydiiyay in ay uhogaansamayaan amarka kasoo baxay godoonka baarlamaanka oo ku aadan in xildhibaanada ay iska xaadiriyaan magaalada muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay diyaar uyihiin in ay kaqeyb galaan kulamada baarlamaanka KMG, sidoo kale waxaa uu kadeyriyay amniga magaalada muqdihso, isago ugu baaqay xukumada Shramarke in ay sugto amniga mudanayaasha Baarlamaanka KMG Somalia.
Si kastaba ha ahatee hadalkan kasoo yeeray xildhinaab Jeele waxaa uu imaanayaa xili dhawaantaan wasaarada arimaha dibada dowlada dalka somalia ay dacwad kadhan ah mudanayaal baarlamaanka katirsan oo uu horkacayo Cali Maxamed geedi, taas oo ay ku eedeeyeen in ay wadaan dadaalo lagu majin xaabinayo dowlada dalka somalia.
Comments (3 posted):
Post your comment