Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | Maqaal | MINTIT KURSI DOON AH IYO MOORYAAN DIIMEED. MAQAAL

    MINTIT KURSI DOON AH IYO MOORYAAN DIIMEED. MAQAAL

    Font size: Enlarge font
    image

    ka kalluumeysiga biyaha kacsan ma ahan howl inta badan miro dhal noqota, waxaanse ka duwaneyn hab dhaqanka Xasan Daahir Aweys oo ah wadaad illaa yaraantiisii ku soo barbaaray khalafsanaan iyo madax adayg. dadka yaqaana waxay ku tilmaameen inuu yahay nin meeshuu qabsado aan ka fuqin.
    Hase yeeshee waayahan waxa uu dhexgalay xaalado mugdi galiyay damaciisii xukun doon oo soo taxnaa tan iyo markii uu bur'burku ku yimid xukunkii dhexe ee Soomaaliya, horaantii shagaashamaadkii, kolkaas oo uu dagaalo ka abaabulay gobolada waqooyi barri ee hada la baxay Maamul Goboleedka Puntland.
    Wadaadka oo sidoo kale ka soo dagaalay gobolka Gedo oo ay kooxo Jihaad doon ahi ka sameysteen fariisin ay kaga hortagaan dagaal kaga yimaada dalka Itoobiya, waxaa maalmahan ka soo yeerayay baaqyo uu ku dalbanayo in la joojiyo, iska hor'imaadyada ugaarsatada is'ugaarsatay ku dhexmaraya Gobolka Jubbada Hoose, isagoo aan sooba hadal qaadin dhiiga sida macno darada ah ugu daadanaya maalin kasta Magaalada Muqdisho.
    Cibaado, waa Hooyo Soomaaliyeed oo labo carruur ah oo ay dhashay ku waysay dagaalada ka socda Muqdisho, waxay nasiib daro ku tilmaamtay hadal dhawaan ka soo yeeray Mr Aweys oo ahaa in dadka qaxaya loogu dhex noolaado sida Malaay ku jira bad, kadib markii isaga laftiisu uu degay dhismo uu ka sameystay Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ah halka ugu badan ee ay deganyihiin qoysaska lagu qasbay inay ka cararaan guryahooda, kuwaas oo hadda aan helin kaalmooyin Bini'aadanimo tan iyo markii kooxda Al"shabaab ay joojiyeen howlihii samafalka ee Hay'adduhu ku taakuleynayeen dadka dhibaateysan.
    "Shiikh Xasan Daahir Aweys oo isu haystay inuu yahay nin muhiim ah oo macno wayn ku fadhiya marka laga hadlayo xal u helida mashaakilka Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxa hada soo yaraaday doorka uu yeelan karo", sidaasi waxa yiri Saxafiga Cilmi Cusmaan Faarax Boodhari oo wax badan ka qoray arrimaha Soomaaliya, wuxuuna intaa raaciyay in Aweys ay u fiicnan lahayd inuu wax ka barto taxana dhacdooyinka Taariikhda Soomaaliya oo ah kuwa iska shidaal qaata, isu ekaansho badana ay ka dhaxeyso" Bal fiiri, Sax iyo Qalad miday rabto ha ku timaadee, Cali Mahdi waxaa loo doortay labo sano oo Madaxwayne ah, xili dalka ay gacanta ku hayeen intiisa badan Jabhado aan ka qaybgalin Doorashadaasi, General Maxamed Faarax Caydiid ayaa ka horjeestay Cali Mahdi, laakin labadoodu waxay is'horfadhiyeen labo sano ka badan, Tiiyo Xasan Daahir aanu hadda ahayn ninka hoggaaminaya awooda la dagaalamaysa Madaxwayne Shariif Sheekh Axmed".
     
    "Haddii shalay C/laahi Yusuf lagu eedeeyay oo lagula diriray inuu yahay dabadhilif Itoobiyo wadato, Waa maxay sababta hadda ay Sheekh Xasan Daahir iyo kooxdiisu u doorteen in ay noqdaan dabadhilifyo Ereteria, oo hortaagan Dowladnimada Soomaaliya, taas waa mid iska cad, waana mida ka hor'keentay MR Aweys xubno ka mid ah qoyskiisa oo cambaareeyay fikirkiisa", sidaasi waxa yiri C/kariin Cali oo ah aqoonyahan ku nool Kenya.
    Waxgaradka Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin xitaa qoyska uu ku abtirsado Xasan Daahir , Xiiso badan kuma hayo hada isaga iyo shaqsiyaadka ku fikirka ah, waxayna ugu yeeraan" Qarxiyeyaal aan naxariis lahayn.
    Ardey wax ka dhigta mid ka mid ah Jaamacadda Muqdisho oo magaciisa ku soo gaabiyay Barre, ayaa ku eedeeyay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya in ay maalin walba dagaalgaliyaan dhalinyaro aysan ku jirin mid uu dhalay ragga abaabulaya dagaalka, isagoo u soo qaatay tu'saale Xasan Daahir Aweys oo ay carruurtiisii wax ka bartaan Jaamacaddo ku yaala Magaalada Qaahira ee dalka Masar.
    Ardeyga, ayaa sidoo kale sii iftiimiyay Guuxa dadka Muqdisho ay isla dhexmaraan, kaasoo ah in Axmed Cabdi Godane iyo Fu'aad Shangole oo ah madaxda Al shabaab aysan la rabin Magaalooyinka ay ka soo jeedaan ee Puntland iyo Somaliland in ay ka dhacaan mid ka mid ah musiibooyinka ay ka wadaan Magaalada Muqdisho.
    Si kastaba ha ahaatee Mashaakilkan dhaqan ahaan Soomaalida ku cusub ee ah in dagaal Diimeed lagu baadi goobo heli taanka Kursi madaxtinimo waxa uu marayaa marxalad gabogabo ah oo raad xun kaga tagaya maskaxda Malaayiin Soomaali ah oo aan mustaqbalka ogolaan doonin, MINTIT KURSI DOON AH IYO MOORYAAN DIIMEED.
    W/Q/ Mohamed Odowa.
    [email protected]
    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (12 posted):

    dhuusa mareeb on 26 December, 2009 01:34:34
    saaxii bayaa leey diin madir san sheekh xasan daahir awys xafida hu laahu orda daha tuuga diina wax ka qabta sharaf aad dad ku ee deey saan mali hidine waxa neyrobi ka dha caa ya u madii hun qaa ceey ka qaa dee nac nac da iyo nacas nimada or daha neey roobi laada adin ka hor lama arkin wasiiro iyo madax weeyne tug laxaa laa ya si laba doow la dood oo loo kala dab qaadaayo naacda mee sha kala taga niiq la yaal yahow
    Abdullahi on 26 December, 2009 02:49:55
    Waxaan aad iyo aad ugu farxay erayada ah Mintid kursi doon ah iyo Mooryaan diimeed waana yahay wadaadka u waashay kursi ee sh Dahir aweys waa nin jiran una jiran kursi oo tan kale haddii uu doonayo inuu madax ka noqda soomaaliya maalin maalmaha ka mid muxuu dadku u laaynaa yuusa xukumi doonaa ee alla ummadda haka qabto aamiin
    dhuusa mareeb on 26 December, 2009 04:13:16
    sorry waa idin ku qarax day ceeb taan idin hareeysay hadaad is lee di hii in dhaha dadka meel kale ku sii jee diya dadku ma hur daan ee waa soo jee daan mow duucu waa qab yaa lada qaawan ee keenya ka socota ximaar ileen waa ximaar
    RUNSHEEG on 26 December, 2009 07:43:23
    ASW. Horta ma runta in aan ka hadalno, mase been iyo dacaayad la dhoo dhoobay. Qofwaliba ficilkiisa iyo waxtarkiisa,oo ku aadan danaha umada soomaaliyeed, waamid TAARIIQI eh oo aan la ilaawi karin. SHEEQ XASAN DAAHIR AWEYS waa nin ISLAAN eh oo u ordo danaha islaanka iyo umada soomaaliyeed. Waa sheeqa asaasay MAXAAKIIMTA ISLAAMKA, oo wax yaabo fiican ka samameysay koonfurta soomaliya ayadoo REAL MOORIYAAN eey gumeysanayeen shacbiga. Marka Sheeq AWEYS waxqabadkiisa waxaa marqaati ka eh SHACABKA ka sokow mareykanka iyo waliba dalalka reer ga beedka eh oodhan. Waqtigii MAXAAKIINTA ISLAANKA waxaa la heystay nabad iyo raaxaho, oo waliba shariifkaan maanta joogo marqaati ka yahay. Marka walaalayaalow, yaan leys ag dhigin c/yuusif, ceeydiid,cali mahdi, sababtoo ah nimankaas waxey ahaayeen niman dana gaar eh wato oo qabiil ku saleysan. Arinta kale oo eh MINTID KURSI DOON, waxaa aniga shaqsi ahaan meesha iiga muuqato in oow SHEEQ SHARIIF yahay kursi doonkaas, sabab too eh asigoon laheyn taageero shacabka soomaaliyeed, iyo awood oow isaga celiyo mucaaradka, ayow ka qeylinaa taangi AMISOM gadaashiiS ilaa oow umada dhameeyo inta ey beesha caalamka ka dhahaan ka dag kursig, sida c/yuusuf. Marka ka yaa eh MINTID KURSI DOON AH?.
    Ali on 26 December, 2009 08:18:40
    Xassan Dahir waa shiiq sharaf badan oo owliya ah.Shacbika Somali kamarqadiyihiin.Waxaan kacodsanaya in barakadisa ubikaciyo umada Somali ee dhibadeysan.Wabilahi towfiiq
    httb;//boondheere.com/index.php?news=2453 on 26 December, 2009 11:31:37
    oday xasan waa nin aad iyo aad u wanaagsan ,waxaan usoo jidin lahaa in uu doolada isku dheebo.
    cdsadana in danbiga uu galayna laga abaal mariyo.
    waana ogahay inoo nin ragyahay oo taa uu samaynaayo xasan aber?
    ciyaal faa cali on 26 December, 2009 11:46:28
    oday xasan waa nin aad iyo aad u wanaagsan,waxaan usoo jeedin lahaa inuu doolada isku dheebo.
    codsadana in damiga uu galayna laga abaal mariyo.
    waana ogahay inuu nin ragyahay oo taa uu samaynaayo xasan aber
    555 iyo azzaro on 27 December, 2009 12:07:07
    naag maa batari lageli haa mar kad meesha ka had leeysid mise bacaad kii daba kaayo ma doow ayaa gabar lagu kuf saa ciyaal faa cali maahan kani waayo ciyaal faa cali saan uma had laan ee waa geed shee kadaas maqlay xasan daa hir waa nin waxtar leh mabda.na leh mar kaa mab da iisa adigoo kale lagala shee keey san maa yee meel is ka fa dhiiso oow bawa laan ta buuro canoo leey dee diina maha deey maa shaan siyaa sad uga had laa yaan baay adeerka
    Mardaadi on 27 December, 2009 05:00:18
    Xassan shaqsiya waxaan qabaa in uusan aheen shaqsi qimaha iyo dadnimad aad modeysan leh.Xassan nin diin muslim mayaqaan oo haduyaqaan marnaba raali kamanoqdeen in sidhayaldhayal ah nafbi'aadan lokoyo iskumana markadikaceen in uu kadambeyo masibadan maanta kajirta Somali in uu sababdeda isakaleyahay.Fikir raqiis ah ayuu aminsanyahay oo ah Habargedir Somali iyada ayaa ukudagal yahansan waana qabiil weeyn talada dalka hadi aan qabsano welikeen anaga bahaysaneyna.Marexaan oo afar qofood ah baa soxukumayay labaatan sano Somali,miyaan kalidanaa Mareexan.Xassan aqli iyo xigmadba sidaas bukayahay.Cilmi aduuna maahan nin laleyahay waa nin wax sobartay maanta.Waa musibo shacabka ugacan hadiyay ee Illah hakaduwu shartisa shacabka Somali.Wabilahi towfiiq
    halagafiirsado si qaas ah wabseedkan boondheere .com on 27 December, 2009 01:20:57
    asc waxaan umada u sheegayaa wali qasatan wabseeyada somaliya in laga dhaafo magaca sheekh xasan daahir waayo sheekh mahan qof sheekh ah ma dhameeyo umada lakiin diinta ayuu faraa taasina waalagu qaldanyahay sheekh in la yiraahdo waayo sheekha calamada lagu yaqaan waa in dadka diinta faraa wixii xun ka rebaa iyo wixii u fiican faraa kaasi waa sheekh lakiin nin dadaka dheegooda baneestay in la dhaho sheekh waa shey xun walaahi waana danbi weyn inaali laah wainaa ilaahi raajucuun waa fariintii iigu horeysay aan u soo qoro wabseedkan waxaana la socday sanad iyo bar waana mahadsantihiin waa c/xakiim byyyyyyyy
    web boondhere.com .your.are the best on 27 December, 2009 03:22:26
    ac.w.w.b.r.t.h allaahu akbar weli laahul xamdu bismilaahi raxmaani raxiim . waxaa ilaah mahadiis ah inaan maan ta helno wb daacad ah dhex dhexaad ah lagu kalsoon yahay kuna sha qeeya shuruuc dii udeg saneeyd mediaha caalamiga oo a heey aqbaarta u sheeg saad uragtay taas hadaan soomali yeey no ah si kooban warka run taa sheeg ; islaan nima dana runtu waa qaali , hadaba waxaa la yaab leh in aad cambaa reey saan web ceeb ka saliin ah maxaad ku heey sataan kaliya maxaad runta u shee gee aa hadana ma run tii ayaa dhibaato noqotay . ? war xageed noo wadaan ? boon dheere wuxuuw mudan yahay ku daya sho wuxuuw mudan yahay bilad sharaf wuxuw mudan yahay bilad geesi nimo waa madaa la yaa sha umada u adeega thank you.www.boondheere.com for good servis your.e the best
    Maxamed Xassam(heleey) on 28 December, 2009 04:48:20
    A.c.w salankadib waxaa baaq udiraya dhamaan beesha Habarkidir.Hadi xaqiiqda lakahadlo waxaan noqonay dad iskubaheysatan in aan xaqa garbaduub uqabano taas oo nokuwaca xisaabdarida kuqodonta shaqsi jaclesi aan Somali iyo danta guud ganaracnay Xassan Dahir oo nakadhashay ilaa iyo hadana wax uu nakuqanciyo usanhaynin.Dad waa dhamaday dunyana waay baabaday ee reer dolkeykiyoow ninka(kifaaya)waa in aan qabano maxkamad sharci ah soo sarna fashilki siyasadeed uu nokeystay inaka aan kula xisabtana.Dhacdoyinki xanoonka lahaana Xassan kuso ogna sababdeda isaka in uu laha.Wabilahi towfiiq

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com