

Madaxweyne Shariif Iyo Madaxweynaha Yemen Oo Ka Wada Hadlay Arrimaha Somaliya
Madaxweyneyaasha Somaliya iyo Madaxweynaha Yemen ayaa ka wada hadlay arrimaha cakiran ee ka taagan gudaha Somaliya, sida ay daabacdan wakaaladda wararka Yemen ee Saba
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa khadka taleefanka kula xiriiray dhigiisa wadanka Yemen Cali Cabdalla Saalax, waxayna ka wada hadleen arrimaha murugsan ee Somaliya
Sheekh Shariif ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Yemen dagaalka lagula jiro dhinacyada ku kacsan xukuumaddiisa, wuxuu sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif ugu Mahad celiyay taageerada xukuumadda Yemen ka geesatay soo dhisidda DFKMG ee u Madaxweynah Ka yahay
Madaxweynaha DFKMG ayaa ugu baaqay beesha caalamka in gacan la siiyo xukuumaddiisa si ay u sii ambaqaado howlaha baaxadda leh ee horyaala inay wax ka qabato
Madaxweynaha wadanka Yemen ayaa isaguna wuxuu ugu baaqay Jaamacadda Carabta iyo dowladaha daneeya arrimaha Somaliya inay dedejiyaan taageerada ay siinayaan DFKMG
Labada Madaxweyne ayaa wada hadalkooda waxaa ay ku soo qaadeen soona dhoweeyeen cuno qabateenta la saaray wadanka Eritrea ka dib markii lagu Eedeeyay inay qeyb ka qaadatay qaska iyo fowdada ka taagan Somaliya gudaheeda
Comments (1 posted):
Post your comment