

3.5 milyan dollar falso ah oo la qabtay magaalada Muqdisho Daawo Sawirada
Dowladda KMG ayaa maanta u soo bandhigtay saxaafadda lacago tiro badan oo dollar falso ah.
Shir saxaafadeed goor dhoweyd ay ku qabteen magaalada Muqdisho wasiirka lacagta iyo taliyaha ciidanka booliska dowladda KMG ayaa waxaa ay kaga hadleen lacagtan iyo sida laga yeeli doono.
Lacagtan oo dhan saddex milyan iyo bar dollar ah ayaa waxaa la qabtay maalintii Talaadada xilli la doonayay in laga dhoofiyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Injineer C/raxmaan Yariisow, wasiirka lacagta ee xukuumadda KMG.
Lacagtan oo ah mida madow (Black Dollar) ayaa wuxuu sheegay wasiirka in la gubi doono ka dib markii uu dhamaado baaritaan haatan socda oo la doonayo in lagu kala cadeeyo waxa ay tahay lacagta iyo halka lagala yimid.
Waxaa xabsiga loo taxaabay nin la sheegay inuu watay lacagtan waxaana qabtay ciidanka booliska dowladda KMG, ayay sheegeen wasiirka iyo taliyaha ciidanka booliska dowladda KMG.
Waa markii labaad mudo dhow gudaheed oo dowladda KMG gacanta ku dhigtay lacag faalso ah oo la damacsanaa in laga dhoofiyo garoonka Muqdisho.
Comments (5 posted):
hora baa abwaan uyiri heestaas aan kor kusheegay,waxaana ula jeedaa,meeyay lacagtaan tii kahoreysay?,ninkiisi lagu qabtay maxaa loosoo bandhigi waayay.aniga garoonka sifiican ayaan u aqaanaa oo maantay la iiga gadi maayo in laqabtay lacagtaas ay shegeen inay qabteen,wayaoaniga garoonka waxaan doono ayaan gelinjiray wax ibaari jirayna malahan,waxbaa iigaga soo degi jiray waxna waan ka dhoofin jiray,weligeyse ma arag wax dadka baaro,leejo 10,000 shilin somali(tobonkun shilin somaali),waxaan waa been ay soo dhoob dhoobeen gaalo raacyo an allaah ka cabsaneen
Post your comment