Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio
  • Islam Linkz
  • Somali Linkz
    Home | Maqaal | Dowlad aan Ceeb Karin iyo Dulmigii Hotel Shaamow. Waa Maqaal Cajiib leh oo u baahan qofkastaa inuu Aqristaa..

    Dowlad aan Ceeb Karin iyo Dulmigii Hotel Shaamow. Waa Maqaal Cajiib leh oo u baahan qofkastaa inuu Aqristaa..

    Font size: Enlarge font

    Qaraxii shaamow ee lagu halaagmay, wuxuu noqdey midka aadka loo xusuusto taariikhahan danbe ee dilka Somalida uu noqdey wax ka raqiisan cayayaanka il ma qabatada ah ee sida kama ah loogu joogsado marka la soconayo.  Wax galka Somaliyeed laga soo bilaabo kacdoonkii lagu ridey dowladdii Maxamed Siyaad waa la gumaadey oo reerahooda loogu dhacayey iyadoo hadba loo cuskanayey qodobka dilka ah ee ‘waa reer hebel’.


    Imisaa sababsadey oo naftooda ku waayey  waa Daarood, Imisaase loo diley waa Hawiye iyagoo aan waxba geysan, imisaa loo gumaadey waa Isaaq, tiro ma leeyihiin inta ku dhimatey Baydhabo kolkii ay noqotey halaq mareen awoodaha baabi’inta umadda ku hardameen, mase illoowi karnaa dadka haddeer loogu yeero dhibic shan ama nus dhibka loo geystey.Maxaa wiil Somaliyeed oo iska shaqeysanaya loo diley waa ABUUKEEY, meydkiisana lagu kor laafyoodey.

    SI aad u dareenta dhibaatada mugga weyn leh, waa inaad iska saarta muraayadaha qabiilka akhriste, oo aad xirataa muraayadaha kale, sida, midka qaranimada, midka Somalinimada, midka Islaanimada saxa ah, midka bani’aadanimada, haddaad sidaa yeesho, ma arkeysid qasaaraha reerkaaga oo keliya ee, waxaad kale oo aad arki doonta midka uu reerkaaga geysanayo ama geystey-ba, sidaa darted, waxaa kuu soo baxaya in dad badani ay kaa dhinteen, ee kuwa kugu qolada keliya ah aysan kaa dhiman. Waan ogahay in dadka qaarkii ay ku adag tahay inay wax ku arkaan muraayadaha caadiga oo ay jecel yihiin kuwa qabiilka. Ma qof doortey baa jira inuu reer hebel u dhasho, waa maya jawaabto, sidaa darted ma aha in qofku ay denbi u noqoto u dhalshada qabiil oo lagu dilo, ama ceeb oo lagu caayo.


    Dulucda qoraalka

    Haddaba Shaamow wuxuu kaga duwan yahay wixii horey u dhacay, awal reer baa ku duuli jirey oo xasuuqi jirey reer kale, iyana markey fursad u helaan ayey markooda fitnada iyo baaba’a ka qeyb qaadan jireen. Shaamow-se, dad ka wada tirsan dhamaan qabiilada Somaliyeed oo weliba ah wax galka umadda ayaa mar qura la laayey, si ula kac ah, oo naxariis daran, iyadoo la ogaa oo la qorsheeyey qasaaraha ka iman karay.


    Waxay dowladdu si deg deg ah u sheegtey inay heleen qofkii ka danbeeyey qaraxaasi. Waxay soo bandhigeen sawirka C/raxmaan Xasan Xaaji, wiil Somaliyeed oo jirkiisu bar maqan yahay.  Dowladdu waxay u cuskatey eedeyntoodaas ah inuu wiilkaasi ka danbeeyey dhowr qodob oo ay ka mid yihiin:-


    1. Inuu xirnaa xijaabka dumarka.
    2. In Jirkiisu bar maqnaa.
    3. In cid garata la waayey.

     

    Waxaa markiiba la beenteeyey warkii wiilka xaaskiisa ka soo yeerey ee ahaa inuusan wiilkaasi lug ku laheyn qaraxaasi, waxaa sidoo kale waxba kama jiraan laga soo qaadey wareysigii aabbaha wiilka dhalay oo ku cataabey inuu wiilkiisa la soo hadley maalin ka hor qaraxa oo uu u sheegey inuu rabo inuu ka tago waddanka maaddaama ay fowdadii sii badatey.

    Website-yada Somalida oo intooda badan lagu yaqaano iney si hubsiimo la’aan ah wax u buun buuniyaan ayaa waxay qaarkood soo geliyeen sawirkii wiilkaasi jirkiisa googo’ay, waxayna cinwaan uga dhigeen EHLU NAARKII ISKU QARXIYEY HOTEL SHAAMOW.

    Waxaa sidoo kale suuqa la soo geliyey borobagaando ah inuu jiro cajal uu iska duubey wiilka intuusan is qarxin oo isku sheegayo inuu jihad u socdo, sidii lagu yaqaaney AlQaacidda iyo kooxaha raacsan fekerkooda.

    Milkiilayaasha Hotel  Shaamow ayaa waxaa laga shaaciyey iney sheegeen inuu wiilkaasi degganaa hotelkooda dhowr casho oo ka horeysey qaraxa.

    Waxaa si ka baxsan Islaanimada iyo xitaa bani’aaddanimada loo diidey in la aaso meydkiisa dhowr casho.


    Caddeynta dowladda iyo baarintaankooda.

    Dowladda baaritaankeeda ma uusan qaadan muddo badan, waana la wada og yahay in wax qibrad u leh baaris iyo qalab wax lagu baaro midna aysan ka jirin Somalia. Iyadoo  ay sidaasi tahay, bal haddana aanu isla eegno qodobada ay eedeyntoodaasi u cuskadeen;-

    Wuxuu xirnaa xijaabka dumarka;- Arintani waa been, waayo nasiib wanaag waxaa la heley sawir cusub oo muujinaya wiilkii laga been abuurtey oo ardadii dhex fadhiya isagoo xiran shaarkii uu ku dhintey. Maxaa loo ag dhigey xijaabka meydkiisa marka? Yaase sidaa yeeley? Waa su’aalo loo baahan yahay in la is weydiiyo? 
     

    In jirkiisu bar maqnaa oo uusan wada gogo’in;- Dowladdu waxay caddeyn ahaan u isticmaashey jirkii wiilka oo ay sheegtey inuu bar keliya go’ay sidaa darteedan uu isagu ka danbeeyey, maxaa yeeley bey yiraahdeen, waxaa la rabey haddii uusan is qarxiyaha aheyn jirkiisa oo dhan baa wada gogo’i lahaa. Haddii sheekadu aysan ahaan laheyn mid dad ay ku dhinteen, waaban ku qosli lahaa, waayo, waxaad mooddaa in qof maskax caadi ah leh xitaa uusan sidaa u fekereen. Waayo, is weydiiyoo qudhaada akhrsite, qofkii xirnaa bamkii intaasoo dad ah oo aan xitaa qaar u soo dhoweyn halikey, ma bar baa ka hari lahaa qofka isagu xirnaa bamkaasi? Bal ka waran ninka ku doodaya arintaasi? Aabbaha wiilka ayaa isna sidoo kale su’aashaasi dad weydiiyey, nasiib daro dhego u duleela runta ayaan jirin.
     

    Cid garata ayaa la waayey;-  Wiilkii cid garataa la waayey, sidaa darted isagaa qarxiyey baa la yiri. Dowlad noocee ah ayaa sidaasi wax u baarta? Yaa la rabey iney gartaan wiilka? Ma wasiirada, ma Booliiska, kuwa wax baara? Ma waxaa la rabey inay aqoonsadaan reer xaafadda? Wiilku magaalada Marka ayuu ka yimide, ma reer Marko ayaa joogey halkaa? Waxaa caddaatey in wiilkii casumey wiilka oo ardey ahaaisaga laftigiisu ku dhintey qaraxii, bal adiga nasiib daradaas ka waran.
     

    Shaamow maamulkooda lagama hayo caddeyn ah iney wiilkaasu halkaa deggenaa hadal iyo qoraal midna, waa uun inta laga maqley dowladda.

    Waxaa sidoo kale la waayeycajaladdii la sheegey inuu iska duubey wiilkaasi inta uusan sida ay dowladda ku eedeysan uusan is qarxin.

    Akhriste, daqiiqad jooji akhrinta oo ka dhig inuu  qofka sidaa lagu sameeyey  yahay wiilkaaga, ama walaalkaaga, amaba ninkaaga. Maxaad dareentey?
     


    Dowladdu ceeb ma kartaa?

    Addunyada waxaa ka jiran wax la yiraahdo xisaabtan mas’uuliyadeed. Qofka sheegta inuu yahay adeege bulshadeed, sida Madaxweyne, Guddoomiye Baarlamaan, Ra’isul Wasaare, Wasiiro, dhamaantood waa dad loo doortey inay bulshada u shaqeeyaan, sidaana ay biilkooda ku qaataan, micnaha guud waxaa weeye, si ay bulshada guud ahaan shaqo maalmeedkooda u qabsadaan, waxaa la kireystey rag iyo dumar mehraddoodu ay tahay inay bulshada u shaqeeyaan, waxaa dadkaasi loogu yeeraa SIYAASIYIIN iyo SHAQAALE DOWLADEED. Maaddaama ay dadkaasi yihiin dad la kireystey oo shaqaale ah waa in lala xisaab tami karaa. Micnaha dowladeed waa sidaa. Waan garan karaa inaysan caalamku wada helin fursadda noocaasi ah, Somaliyana waa u sii hooseysaa.

    Laakiin, wasiiradu ma waxay doonaan inay isaga hadlaan baa? Dowladdu haddii xitaa  waajibkii dastuuriga ahaa ee saarnaa ee ogolaanayey in lala xisaabtamo aysan ku dhaqmeynin oo shacabkiina aysan aheyn kuwo wax la xisaabtami kara, sow dowladdu iney xitaa xishooto ma aha, oo ceebtu karto.

    Ma dhici kartaa inuu is casilo wasiirkii warkaasi sheegey ee dhibaateeyey C/raxmaan Xasan Xaaji iyo qoyskiisa wiilkoodu laqmadey? Ilama aha, sababtuna waan kuu hayaa.

    Tusaale hore ee Wasiir iska hadley

    Wasiiru dowlihii Gaashaan dhigga Mr. Dagaal Ooge Indhacadde sow ma aheyn ninkii JAMAAL BAANA oo ku dhintey Mogadishu ku sheegey inuu ahaa Ajnabi, ma xasuusataa inuu weli ku adkeysanayey ka dib markii ay waalidiintiisu sheegeen inuu wiilkoodu yahay meydka dowladdu ku sheegtey Ajnabiga, Reer Xamarna yihiin Somali ah.

    Dooddu kama taagna inuu wiilka Alshabaab miyuu u dagaalamayey mise maya, ee dooddu waxay tahay, Ajnabi ma ahaa wiilku, mise Somali buu ahaa? Waayo Somalinimada iyo la dagaalanka Dowladda iskuma xirna, xusuuso, kuwan hadda dowladda ahba waxay la diri jireen dowladdi C/laahi Yuusuf iyo Geeddi, Somalinimadana lagama saari Karin.

    Indhacadde wuxuu yiri ma ninkan aad u jeeddaan ayaa dhiig Somaliyeed leh? Akhriste, Waxaasi ma wax la oggolaan karaa? Dhiigga Somaliyeed siduu u eg yahay? Ma in Indhacadde loo wada ekaadaa? Somalidu ma isu wada eg yihiin sidey u dhan yihiin? Reer Baraawe, Reer Xamar, Reer Marko Somali maha miyaa? Hadalkaasi hadal Wasiir ma yahay? Raali gelin ma ka bixiyey?

    Middan Shaamow-na waa sidii oo kale, oo waa iska hadal intuu afkaa qoyan yahay, oo waxaad doonto sheeg, koleyba cid kuu qabsaneysa iyo cid ku xisaabineysa midna ma jirtee, la yaab ma leh, waayo waa dowlad miisaaniyaddoodu aan lagu aamini karin ee loogu dhiibo NGO, mushaharka ciidamada qarankana loogu dhiibo Amisom, waayo dad aan hadalada afkooda ka soo baxa mas’uuliyaddooda qaadi karin lacag ma lagu aamini karaa? Aniga qof baan ahaye, ilama aha, adiguse waa yeelkadaa.

    Waan hubaa, inkastoo ay caddaatey in wiilkaasi Somaliyeed denbi laga galey, oo Aabihiisa iyo reerkiisa dhan denbi laga galay, haddana raali gelin lagama bixin doono, waayo waxaan jirin masu’uuliyad iyo koriimmo xagga maskaxda ah ee Wasiiradu ku gartaan in waxa ay sheegeen ay qalad yihiin oo loo baahan yahay in boog dhayid la sameeyo, sheekada halkaasi ayey ku dhiman doontaa, reerkii geerida iyo aflagaaddada la isugu dareyna way iska aamusi doonaan. Waa xaalka Dowladdeena. Waa xaalka Somalia, waa Soomaalinimada. Anaga shacabka ahna waxaa noo xiran muraayadihii qabiilka, waxaan is weydiin doonnaa qolada oo Somali ka yahay, deetana, mar haddii uusan nagu qolo aheyn, halkaas ayaan isaga tegi doonnaa. Illaa anaga markeena nalagu sameeyo, waayo Ingiriisugu wuxuu yiraahdaa “what goes around, comes around” ama balaayadu intey adiga kaa maqan tahay deriskaaga ayey joogtaa.


    Waxaan rabaa inaan ku soo gabagabeeyo qoraalkeyga kooban, su’aasha ah, mar haddii uusan wiilkaasi aheyn wixii naloogu sheegey, waxaa cad inuu ka mid ahaa biri mageydada halkaasi ku dhimatey, sidaa daraaddeed, maxay dowladda u dooratey inay wiilkani ku sheegto ninka wax diley? Maxaa xijaabka loo ag dhigey meydka ka dib markii uu dhintey, illeyn waa u jeednaa xijaab ma uusan wadan intuu noolaaye? Maxaa deg degtaas loogu dhawaaqey inuu dadka laayey? Iyo su’aasha ugu weyn oo ah haddii uusan isaga wax leyn, yaa xasuuqey dadka Borofosoradeena, Dhakhaatiirteena, iyo Ardadeena? 
     


    Fiiro Gaar Ah:- Markaan dowlad leeyahay uma jeedo cid gaar ah ama qof gaar ah ee waxaan u jeedaa institution-ka. Waa laga yaabaa iney ku jiraan dowladda dad macquul ah, laakiin waxaan ka baqayaa, in ay sii baaba’ayaan, sidii Prof Caddow, Drs Qamar iyo Waayeel, oo ay isku soo hari doonaan dadka aan adiga iyo anigaba tuhmeyno iney soo hari doonaan.


    W/Q  Cabdalla A. Cali

    khaalid_2005@hotmail.co.uk

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (14 posted):

    abu nadiira on 16 December, 2009 11:54:25
    Aadbaan kuu salaamayaa marka hore sxb , marka xigta aadbaan uga helay sidaad maqaalkan usoo diyaarisay iyo runka sheega siyaasada somalida aadbaan kuula dhacay waxaana balan qaadayaa inaan Warsida BOONDHEERE aan hada laga bilaabo booqan doono hadii alle idmo waxaan ahay nin nadiif ka ah jirada qabiilka , waxaan ku dhashay WARDHIIGLEY < waxaanse kasoo jeedaa qabiil ahaan > PUNTLAND Thank you so Very much !
    haaji on 16 December, 2009 01:56:39
    marka hore waa mahadsantihiin sida wanaagsan aad u soo diyaariseen maqaalka laakiin waxan idinka rabnaa hadaa nahay shacbka inaad sawirka aad soo geliseen inaad si fiiccan oo aa qoral laheyn inaad soo gelisaan si markaas loo fahmo ninka xitaa dadka kale ee ag fadhiya isaga ( ninka lanbsaday) oo aan garno inagan inee goobta tahay Shaamoow mise meel kale!weliba hadaa sawiro kale badn aad heeysiin soo geliya! markaas ka dib Eeda qofka lasaarayo waa laogyahay, waa dadka jalbaabka agdhigay!
    Fa'sa Cabdi Jamac on 16 December, 2009 03:41:35
    Farsamada alada cumputer baalakuhabeyay oo sawirkisa oo hore baa lakufarsameyay in uu ruux fadhiya goobda baa lakuhabeyay.Dhacdada iyo ismalaha sawirkan sobandhikday websity Boondheere.Waxaa kujirda iskahubsada farsamo lokashaqeyay computer waa buk iyo bac.
    WADANI on 16 December, 2009 07:59:26
    INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAGACUUN. xisaabe waa dambeysaa, waxaa hubaal ah in wadanka gaalo aan cidna u naxayn ay joogto oo kuwa maanta la shaqeynaya ay ayaguna ku xigi doonaan marka dadka intiisa kale la dhameeyo. Meshaan Maraykan ayaa ka dambeeya oo ku shaqaysanaya dadkaan , awalbuu markuu arkarta dhulka looga jiiday yiri "I FORGIVE BUT I WILL NOT FORGET" oo macnaheedu yahay taan somalia ku dhigo hala ogaado, markaasuu maanta ka dhigay samalia animal uu ayaga isku adeegsado si ay isku dhameeyaan iyo cadow uu usoo kaxaystey oo yiri adiguna baabi in taad awoodo but use siyaasad.

    WAXAA LAYAAB LEH IN MAANTA SOMALIA LARABO IN LAGA DHAMEEYO INTA WAX GARAD AH , LAAKIIN WALI INTII KALE AY HURUDO AMA AY GAAL HOOS FADHIDO.

    WAXAA LAYAAB LEH IN MAANTA DOWLADA SOMALIA SHEEGANEYSA LAGA MASRUUFO MARAYKANKA, SIDEE WADAN WADAN KALE U FASRUUFI KARA HADII AAN WAX KU SOO JIRIN.

    WAXAA LAGA SOO MAREY DHINICII DIINTA , OO MAANTA LOO GEEDAA IN NINKAAN MADAXWAYNA ISKU SHEEGAYAA AFKUU KALA QAADABA UU DIINTII ILLAAHEY WAX UGA SHEEGAYAA.

    WAXAY DHAHEEN XIJAAB UU RIXNAA!!!!!! MA AHA OO KALIYA IN LAGU XAD GUDBEY MUWAADINKAAN MASKIIN AH , LAAKIIN DIIN ILAAY AYAA LASOO WEERARAY OO LAGU SHEEGAYAA ARGAGIXISO.

    WAX HOY SOMALIYEY DIINTA ILLAAHEY KU DHAGA HADII LA RABO IN BADBAADO.
    OO DOWLADAAN GAALADU WADATO WADA JIR HA LAYSAGA QABTO.
    ila fahan on 16 December, 2009 08:44:25
    saxab hadad run doonaysaan wiilkaas ayaa kadanbeeyay waayo wiilkaas waxuu kasoo jeeda beel dagaalkii sokeeyre wax loogi gaystay waxaan soo dhagadhageeyay inuu wiilka aad ugu hamin jiray dhib kasoo gaaray reerkoda inuu mar uun ka aar goosan doono reerka ,,maantana wiilkaa uujaaniskiisii helay hataa wilkaa oo ahaa dadka isga jira magaalada uu iska shaamaay ahaa ayaa markuu gaaro kaga dhagi jirtay waana layseen ee mar uunbaa idinka aarsan oo kula kaftami jiray dadka asxaabtiisa ah ee kasoo jeeda koonfurta somaliya ama hawiyaha ah marka yaananan la ooyin imisaa disheen imisaa aqoonyahan mxaa iga kidhiisa dhimasho aqoon yahano hawiye kkkkklolzzz waa gaaray guusheedii.
    boondheere on 16 December, 2009 10:04:51
    waxaan jawaabtani u celinaya aqiyaarka la yiraahdo Mr. haaji aniga oo ku hadlaya magaca gudoomiyaha boondhere.com sawirka aad naga codsatay waa kani oo waan soo galiyay daawo!!!!!
    wabilaahi toowfiiq
    Di jango` on 16 December, 2009 11:15:40
    sallaan ka dib dhamaantiinba waxaan idiin weeydiinayaa ma rumeesateen ninka waxaan soo qorey iyo masawirka. Horta fiiriyaba idinku waa dadka wax ka yaqaana Microsoftiga iyo kuli Barnaamijyada Computerka!!! Cajiib Masawirkaa waa mid haddaa meesha casumaada ee ardeyda qalinjebisey loo qabtey uma eka jawigeeda. Marka aniguba waan sameeynkaraa borograamkaasi in masawir aad leedahay qeeybtiisa kore aan
    ku rakibo qofkale oo aadan aheeyn kkkiiikiiii cajiiib, ma waxaani ayeey webka Boondheere noo soo qoraayaan, hortiina ayaan waxbaranay ee ogaada kkkiiikiiii
    baaba ali on 17 December, 2009 02:01:32
    war ninkani lagu magacaabo di jango war maxaa kaadhiga wax magarato garaat yar waaba tahaye laakin se ilaaheey xaqa hakutusiyo marka xigtana waxaad leedahay microsoft ayaa lagu sameeyaa hadii aad cilmigasi lahaan lahayt soomaliya dagaal kama dhaceeyn kkkkkkk orodow dameerkaaga iska fuul wax aat lasoctid majiraaneee.....
    Cali jeenyo(Cali dheere) on 17 December, 2009 03:13:59
    Waxaa layaableh qofka haduu bikaciyay beenta aqontisana ku karay ma waxaad ledihiin maxaa nokashifeysa baaba Ali macnahada saas miya.Inti bijiye iyo basbaas shankani ku cuneysay oo degmada shankani baskid kuciyareysay alabartay sida beenta loqabdo abaa alabartay sida waxloku qaldo computerka dunelkan maya hatana maya.Wabilaahi tofiiq
    Di Jango` on 17 December, 2009 04:55:26
    Ku:- baaba ali, waxaa ii fiicnaan la heeyd in aan kuugu jeero "baadiyow ali" kiikiii ee orod wax baro, markaasi ayaa hadal kuu bannaanyahey, waxaaba ka sii daran sida afkaagii hooyo oo ahaa "Afka-Soomaliga" in qoritaankiisuba dhib kuugu yahay, waxaan kuu sheegayaa haddi aadan waxbaran in uu ku sugaaayo waaba haddii aad shaqeeysankarto Gaariga lagu xamaasho, haddii kalena in aad gasac Koolo ku dhuuqdo, ee hadda si deg deg ah wax u barro, haddaa Diinta Islaamka wax aad ka taqaanto ma jirteee cajiiiib kkkiiiiikiiii, xaarna ha isku daadinin kkiikiiki
    shaad on 17 December, 2009 05:32:43
    dhaman waan idin salaamay,bacdasalan
    ismasabidka,xasidka,xinka,isxaqirka,isdulmiga,eexda,been sheega,qof islaam ah qabiil ku diidka iyo iwm ayaay soomaali
    loo ciqaabayaa ,si ciqaabta inasaaran uga badbaadno aan ilaahay u toobatkeeno
    cafisna kadalbano alah.
    ceeldheer on 18 December, 2009 09:39:48
    d.jango ali wax u sheeg waa geed daaqa xabad magarto yaa yaa wala yaabay ileen dad saan u waramaahuna waa jireen ee baa ogoo maadaa logu dhitay assoow markasta caac iska leeyahay wa xaan u mudaa madaxoow ka jiran yahay faje kudil ee waa dabaal nima daas
    jaaabir on 19 December, 2009 08:42:10
    as/kum wr/wbr marka hore hore waxaan halkaan kasalaamayaa dhamaan akhyaarta sifiican ufahmay qoraalkaan iyo weliba qofkii isku taxluujiyey inuu dadka fahamsiiyo ineysan meesha kajirin wax dawlad ah maadaama ey is burinaayan hadaladooda marka aad iyo aad ayaad umahad san tihiin reer boondhere waxaana idiin leeyahay marwalbo sidaan oo kale ugu hadla xaqiiqda sida ay dadka ufahmaan xaqiiqda sida ey tahay waxaan kaloo idiin sheegaayaa inta qoraalkaan aad ula dhacday ,, iska ilaaliya oon hadaladooda kasoo qaad yaan laga dhigin oo kutiriya dadka maanka qaaban oo qabiil iyo jaahil nimo isku darsaday oo weliba mid kamid ah aan wadan isagu magac islaameeed sida nimanka kala ah DI,JANGO iyo nika kale asna ah cali dheere ama jeenyo ,waa niman lagu shaeeysto oo masaakiin ah laakin ilaaheey ayaan ugu baryeeyenaa inuu xaqa tusiyo uu soo hanuuniyo wabilaahi towfiiq
    Ali on 19 December, 2009 08:10:45
    Jabir adika muslin mayaad tahay mase cad baad tahay.Ilaa hata kaama hayno dhaqan Islaam waxaad nukula mereysaneeysa dhaqan Carbeet.Kalasaar Carabnimad iyo Islaamnimad.Wabilahi towfiiq

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com