Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Somali Linkz
    Islam Linkz
  • Home | News | Dowladda Somalia Oo Beenisay In Ciidamo Itoobiyaan Soo Galeen Gobolka Hiiran.

    Dowladda Somalia Oo Beenisay In Ciidamo Itoobiyaan Soo Galeen Gobolka Hiiran.

    Font size: Enlarge font

    Dowladda KMG ah ayaa maanta beenisay in ciidamo Itoobiyaan ah gudaha u soo galeen gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Somalia xilli ciidamada Itoobiya dhaqdhaqaaqyo ka wadaan gobolka Hiiran.

    Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho wasiirka Amniga Qaranka dowladda KMG ah C/laahi Maxamed Cali Sandaloolshe ayuu ku sheegay inaysan jirin wax ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay gudaha dalka Somalia gaar ahaan gobolka Hiraan.

    Wuxuu sheegay in la buun-buuniyey wararkaas islamarkaana aysanba ciidamada Itoobiya soo galin gobolka Hiiran, isagoona sheegay inay ku sugan yihiin xadka ay la wadaagaan dalka Somalia.

    "Dadku waxay arkeen ciidanka dowladda oo ay u qaateen inay Itoobiyaan ah yihiin, Ciidamo Itoobiyaan oo magaalada Baledweyne soo galay ma jiraan waxay ku sugan yihiin xuduudooda" ayuu yiri wasiirka Amniga Qaranka dowladda KMG ah C/laahi Maxamed Cali Sandaloolshe oo la hadlay warbaahinta Magaalada Muqdisho.

    Wuxuu intaas ku daray in Dowladda Itoobiya ay xaq u leedahay inay ilaaliso amaankeeda islamarkaana ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka sameyso xadka ay la wadaagto dalka Somalia.

    Si kastaba ha ahaatee hadalka wasiirka Amniga Qaranka ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamo fara badan oo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin isgoyska Kalabeyrka ee gobolka Hiraan halkaas oo ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (2 posted):

    jaabir on 07 September, 2009 07:30:39
    inaa,lilaahi wa,inaa ileyhi raajicuun subxaanallaah .waakanaa ramadaana waalagu jiraa subxaanallaah bal fiiri beenta intaan la,eg oo loosheegaayo umada soomaaliyeed ,,oo shacabka reer beledweyne makala yaqaan miyaa sooomaali iyo itopian markuu leeyahay dadku waxey arkeen ciidamo soomaali ah oo kulabisan adreska itopianka ,laa,ilaaha ilallaah ilaahoow kuwaan amada kaqabao yaarabi oo shacabka kadhigay mid aan waxba kala ogeyn bal fiiri siduu udifaacaayo xabashida u kutilmaamaayo iney ihiin soomaali oo marka hadii aad kutilmaantay xabashida soomaali ma,soomaalidaa dhacday guryaha shacbka ee labililqeystay marka hadii ay yihiin kuwaas soomaali miyeysan eheen mooryaan tuugo ah oo aan soomeeynin ilaahna kabaqeynin miyeysana waajib eheen kuwaas in umada laga qabto oo laga ceyriyo meelkasta oo ay joogaan ileyn umada ayeyba dhacaayaanee ilaahoow ugargaar mujaahidiinta yaarabi yaaraxmaanu yaaraxiim unaxariiso shacabka soomaaliyeed
    Ali on 08 September, 2009 01:10:09
    Fulayka,dhuniga,namimiyaha,hud hudka,maxishodaha ee laheen damiirka intaaso dabecadood waxaa isku soo dubay qawarijta.Waana tariiq dhabah oo sojidameysay ilaa xiliki Rasuulka caleehi salaadu wasalaam marka waa ka xumahay in shaqsi kalmad kasoyertay ruux mas'uul ah in labeneyo.Ileeyn tabecadahodi waaye qawarijta.wax hata kucusub maahan.Wabilaahi towfiiq

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com