Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Somali Linkz
    Islam Linkz
  • Home | News | Mas'uul katirsan Golaha Dhaqanka Hawiye oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

    Mas'uul katirsan Golaha Dhaqanka Hawiye oo lagu dilay magaalada Muqdisho.

    Font size: Enlarge font

    Mid kamid ah mas'uuliyiinta Odayaasha Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa kooxa hubaysan waxa ay dil ugu geysteen isgoyska Siinaay ee degmada Wardhiiglay magaalada Muqdisho.

    Nabadoon Cali Axmed Cirro ayaa waxaa dilkiisa fuliyey kooxo hubaysan oo markii ay dileen goobta ka baxsaday, waxaana nabadoonku uu u geeriyoday dhaawac ka soo gaaray tacshiirad ay kooxaha hubaysan huwiyeen.

    Mas'uulkaan katirsanaa Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa dilkiisa waxaa warar soo baxaya ay sheegayaan inuu salka ku hayo arrimo la xiriira aano qabiil.

    Qeybaha bulshada magaalada Muqdisho ayaa si kulul u cambaareyey dilka nabadoon Cali Axmed Cirro oo kamid ahaa xubnaha ugu cadcad ee Odayaasha Golaha Dhaqanka Beelaha Hawiye.

    Si kastaba ha ahaatee dilka mas'uulkaan katirsanaa Odayaaha Dhaqanka Beelaha Hawiye loogu geystay magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah dilal magaalada Muqdisho loogu geysto dadka wax galka u ah bulshada Soomaaliyeed.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (2 posted):

    Ali on 07 September, 2009 06:50:21
    Allaha ha naxariisdo nabadoonka Ali Axmed ciro sabar iyo iimana Alle hanaga siiyo.Wabilaahi towfiiq.
    Ali on 07 September, 2009 06:50:21
    Allaha ha naxariisdo nabadoonka Ali Axmed ciro sabar iyo iimana Alle hanaga siiyo.Wabilaahi towfiiq.

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com