

Dagaal Xooggan oo maanta kadhacay Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Dagaallo u dhexeeyey ciidamada AMISOM oo ay wehliyan ciidamada dowldda KMG ah iyo xoogagga kahorjeeda ayaa maanta kadhacay qeybo kamid ah degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa ka dambeeyey kadib markii ciidamada Brundi ee qeybta ah AMISOM ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka sameeyeen xaruntii hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo deegaanada ku teetsan, waxaana dagaal culus kala hortagay xoogagga hubaysan.
Dagaalka oo socday in muddo ah ayey labada dhinac isku adeegsadeen hubka nuuyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu ku fiday deegaano kale oo ay kamid yihiin Isbitaalka Digfeer iyo isgoyska Tarabuunka.
Saraakiil katirsan Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dagaalka ay la galeen ciidamada Brundni oo dhaqdhaqaaqyo ka sameeyey maanta Ex xaruntii hore ee Kuliyadda Jaalle Siyaad, waxaana ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan khasaaraha kadhashay dagaalka ee labada dhinac kala gaaray.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in ciidamo kasocda AMISOM gaar ahaan kuwa Brundi ay fariisin cusub ka sameysteen isbitaalkii hore ee Digfeer oo horay fariisin ugu ahaa ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka baxay dalka.
Si kastaba ha ahaatee dagaalka maanta kadhacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa daba socda dagaallo xiriir ah oo magaalada Muqdisho kadhacayey wixii ka dambeeyey markii la galay Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Comments (2 posted):
Maxaa keenay in masuuliyad dagaal eey iclaamiyeen Alsheeydaan iyo Alxasuuq oo eey yiraahdeen waa wedeynaa welina labalaabeynaa ineey maanta ku sheegaan ineey masuul ka tahay cidkale?
Waa wax layaab iyo amakaag leh ineey ku sifoobaan Hashi geela cuneysay haddana cabaadeysay.
Post your comment