Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Somali Linkz
    Islam Linkz
  • Home | News | Beelaha Sool Iyo Sanaag Bari oo cambaareyey hadalkii Xaabsade

    Beelaha Sool Iyo Sanaag Bari oo cambaareyey hadalkii Xaabsade

    Font size: Enlarge font

    Odayaasha iyo Waxgaradka Beelaha Sool Iyo Sanaag beri ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa sii kulul u cambaareyey Hadal ka soo baxay Maalinimadii Axada oo tariikhu ku beegneyd 6 Bisha Axmed Cabdi Xaabsade oo ka mid ah Siyaasiyiinta Gobolada, isaga oo sheegay in beelaha Sool iyo Sanaag bari aysan gelin diiwan gelintii, Sidoo kalena ku sheegay qoraalka ka soo baxay isaga in Beelaha ka soo jeeda Gobolada aysan raali ka noqon doonin doorasho ku dhacda diiwan gelin sidaa u hadalka u yiri

    Haddaba hadalkaasi ayaa waxa sii kulul u weeraray Odayaasha beelaha iyo waliba Siyaasiyiinta oo aay ka mid ahayeen Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Baashe maxamed Faarax, Axmed Xaaji Cadaami iyo waliba Fu’aad Aaden cadde iyaga oo sheegay in beelaha Degaanada Sool iyo Sanaag bari aay kala mid yahiin diiwan gelinta degaanada kale iyo weliba beelaha kale ee Somaliland, waxayna sheegen In Axmed Cabdi Xaabsade oo u dhaartay Somaliland iyo Puntland labadaba inu daacad u noqon doono u maanta ku soo duulay Qaranimadii iyo Madax Banaanidii Somaliland, waxayna sheegen in arrinka Xaabsade maanta aay Shir ka yeelan doonan beelaha degaanada ka soo jeeda ayna ka soo saari doonan Baaq iyo waliba talabo cad oo muuqata

    Sidoo kale waxay sheegen in shir aay maanta gelinka dambe yeelan doonan aay halkaasi ku soo bandhigi doonan Dad u ku been abuurtay Axmed Cabdi Xaabsade kuwas oo sheegi doona in aysan la ogeyn shirka iyo warsaxaafadeed-yada u soo saaray

    Hadalka mas’uuliyiintan aya u muqda mid aad aay uga caroodeen hadalada Xaabsade oo lagu yaqano inu hadba meesha u wax ka waayo dhaliilo

    Xaabsade ayaa hore xilal uga soo qabtay Puntland iyo Somaliland isaga oo labada dhinacba ugu dhaartay inu u shaqeyn doono balse mid kasta xili u isku roogay isla markana u dagaal ku qaday, waxana lagu qayana labo waajileyn iyo khiyaano

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (0 posted):

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com