

Kulan maanta dhexmaray Saxaafadda magaalada Muqdisho iyo wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah.
Wasiirka Warfaafinta dowladda KMG ah Daahir Maxamuud Geelle oo maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan.
Kulan kadhacay xafiiska wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah oo ay ka qeyb galeen agaasimayaasha idaacadaha iyo TV-yada Magaalada Muqdisho ayaa looga wada hadlay qaabkii ay bahda warbaahinta iyo wasaaradda warfaafinta dowladda KMG ah u wada shaqeyn lahaayeen.
Hadal uu goobta ka jeediyey wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah Daahir Maxamuud Geelle ayuu ka codsaday bahda warbaahinta inay dadaal fara badan ku bixiyaan sidii ay nabadda uga shaqeyn lahaayeen islamarkaana ay shacabka Soomaaliyeed u baraarujin lahaayeen.
"Warbaahinta laf dhabar ayey u tahay in shacabka lagu baraarujiyo nabadda inay kaalintooda qaataan ayaana ku baraarujinayaa" ayuu yiri Daahir Maxamuud Geelle wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah.
Wuxuu intaas ku daray in wasaaradiisu diyaar u tahay inay warbaahinta la shaqeyso islamarkaana ay diyar u tahay sidii loo hor marin lahaa adeegyada warbaahinta magaalada Muqdisho.
"Waxaa la qabanayaa siminaaro kor loogu qaadato aqoonta iyo tayada warbaahinta magaalada Muqdisho" ayuu sii raaciyey hadalkiisa wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah Daahir Maxamuud Geelle.
Si kastaba ha ahaatee waa kulankii ugu horeeyey ee wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah uu magaalada Muqdisho kula qaato bahda warbaahinta wixii kadambeeyey markii uu xilka qabtay.
Comments (0 posted):
Post your comment