

Xoogagga Al-shabaab oo howlgallo ka sameeyey Galbeedka Magaalada Baledweyne.
Xoogagga Al-shabaab ayaa saaka howlgallo xooggan waxa ay ka sameeyeen xaafado dhaca Galbeedka magaalada Baledweyne oo ay dagaal kooban kula wareegeen shalay aroortii hore.
Xaafadaha ku yaala Galbeedka magaalada Baledweyne ayaa saaka waxaa lagu arkay ciidamo fara badan oo taabacsan xarakada Al-shabaab kuwaas oo isku fidiyey guud ahaan xaafadaha ku yaala Galbeedka magaalada Baledweyne.
Saraakiil katirsan Al-shabaab ayaa sheegay in baaritaanada looga gol lahaa xaqiijinta amaanka islamarkaana ay sii socon doonaan illaa amaanka gacanta lagu dhigo.
Ma cadda in xoogagga Al-shabaab dad ku soo qabqabteen baaritaanka iyo howlgalada ay saaka ka sameeyeen dhinaca Galbeed ee magaalada Baledweyne xarunta gobolka Hiiraan.
Si kastaba ha ahaatee shalay subax ayey aheyd markii xoogagga Al-shabaab qabsadeen Galbeedka magaalada Baledweyne iyagoona dagaal kooban la galay ciidamo katirsan dowladda KMG ah.
Comments (4 posted):
Post your comment