Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Somali Linkz
    Islam Linkz
  • Home | News | Dowladda Somalia oo soo dhaweysay in ciidamada AMISOM Weeraro ku qaadaan xoogagga Muqaawamada.

    Dowladda Somalia oo soo dhaweysay in ciidamada AMISOM Weeraro ku qaadaan xoogagga Muqaawamada.

    Font size: Enlarge font

    Dowladda KMG ah ayaa si weyn u soo dhaweysay awood kordhinta ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa kasocda dalka Ugandha oo ah inay weerari karaan goobaha ay magaalada Muqdisho kaga sugan yihiin xoogagga dowladda kahorjeeda.

    Wasiirka Amaanka Qaranka dowladda KMG ah C/laahi Maxamed Cali Sandaloolshe ayaa warbaahinta yu sheegay inay dowladdu la dhacsan tahay in ciidamada AMISOM isku badalaan nabad dhaliyaal.

    Wuxu sheegay inay xiligaan muhiim tahay awoodda dheeriga ah ee la siiyey ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Ugandha, waxaana uu sheegay inay wax badan ka qaban doonaan dhinaca amaanka sida uu ku andacooday.

    "Dowladda KMG ah si weyn bay u soo dhaweynaysaa hadalkii ka so yeeray wasiirka gaashaandhigga dowladda Ugandha ee ahaa inay ciidamada Ugandha weerari karaan xoogagga dowladda kahorjeeda" ayuu yiri C/laahi Maxamed Cali Sandaloolshe.

    Wuxuu dhinaca kale wasiirka amaanka Qaranka dowladda KMG ah ka gaabsaday inuu ka hadlo wararka sheegaya in ciidamo kasocda dalalka Nay jeeriya, Jabuuti iyo Siiraliyoon ay soo gaareen magaalada Muqdisho.

    Si kastaba ha ahaatee shalay ayey aheyd markii dowladda Ugandha ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ciidamada Ugandha ee qeybta ah ah AMISOM loo fasaxay inay weeraraan goobaha ay magaalada Muqdisho ka joogaan xoogagga dowladda lahorjeeda.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (1 posted):

    Ali on 06 September, 2009 01:40:49
    Lamid maahan ciidamadi Itoobiyanka ahaa cidamadan.Sharcika markanu wax ka ogaano ayaan waxaanu helikarna su'asha ah maxeey ku kaladuwanyihiin cidamadan iyo kuwii horay dadka lookasaray ee Itoobiya.Dalkeena waxuu kuyala qarada Afrika.Dhamaan dadka Afrikaanka ah danta qaarada dhankasta waxkarkeeda ayuu xilkasaranyahay sharucda iyo istarajiyada uunka qomiyadaha kaladuwan bi'ada iyo dhamaan ahmiyada guud ee qarada.Kadib marki darasaad qododheer lakasameeyay arinta ayaha shacbika Somaliyeed waxaa la'ogaada in warbixino kudurakuteen ah in laku hoolkeliyay dalka Itobiya oo aan danta guud nakaladhaxeeyso ee qarada Afrika.Sidaas daradee ayaa dib lookunoqday in lasaxo qaladki horay lo'amamuray.Hoolkalada socdana kalinta cidamada lakatayo cidamada Itoobiyanka.Darufaha taakan ee siyasada iyo hoolkalada cidamada loo adeeksado dhamaan cidamada dalalka Afrikaanka.Sharcika baana usamaxaya in shacbika Somaliyeed loohelo xal durufa kaladambeen la'aanta looganasaro unahelaan hanaan dowladanimo iyo kaladambeen qaran.

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com