

Shacabka magaalada Muqdisho oo cambaaereeyey fasaxa ciidamada AMISOM loo siiyey inay weeraro qaadaan.
Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si kulul u cambaareeyey in ciidamada AMISOM ay ka soo baxaan xarumaha ay ka joogaan magaalada Muqdisho islamarkaana ku faafaan magaalada Muqdisho.
Inta badan shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kaliya ay dhibaato soo kordhinayaan haddii ciidamada AMISOM ay dibadda uga soo baxaan xarumohooda islamarkaana ay kala kumi doonaan waji gabax.
"Wixii ay la kulmeen ciidamada Ethiopia markii ay joogeen magaalada Muqdisho ayey la kulmi doonaan, waxbana ma soo kordhin doonaan" ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada ku dhaqan suuqa Bakaaraha.
Ganacsadahaas ayaa intaas ku daray in arrintas looga gol leeyahay in shacabka rayidka ah lagu dhibaateeyo islamarkaana lagu boobo hantidooda, isagoona ka digay in ciidanka AMISOM ay ku faafaan xaafadaha magaalada Muqdisho.
"Waa ka xunahay in ciidamada Ugandha loo ogolaado inay dhibaatlooyin hor leh u geystaaan shacabka dulman ee ku nool magaalada Muqdisho" sidaa waxaa tiri mid kamid ah haweenka ku nool magaalada Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee ururka Midowfa Afrika ayaa awood dheeri ah u siiyey ciidamada Ugandha inay xarumohooda ka bixi karaan oo ay weeraro ku qaadi karaan goobaha ay magaalada Muqdisho ka joogaan xoogagga hubaysan ee dowladda kahorjeeda.
Comments (7 posted):
Kiiikkiiikiiiki weli been baad noo soo qoreeysaan, waqtigiini oo la`idiin baabi`in doono, la`idingubi doono waa yamid yaa shayaadhii, yaa mufsidiin, yaa munaafiqiin, waa yimid waqtigiina, waa la`idiin gubaayaa ku tala galay.cajiiib adigaaba ugu horeey yaa Jaabirul Mufsad cajiib
Post your comment