Bar_aljabra_165065489.jpg baro_english_153740289.jpg
Somali Radio

  • Somali Linkz
    Islam Linkz
  • Home | News | Shiikh Cali Dheere "Qorshaha Nooguma jiro inaan wada hadal la galno dowladda KMG ah"

    Shiikh Cali Dheere "Qorshaha Nooguma jiro inaan wada hadal la galno dowladda KMG ah"

    Font size: Enlarge font

    Ururka Al-shabaab ayaa beeniyey hadal shalay ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda dowladda KMG ah oo ahaa in xoogag katirsan Al-shabaab iyo Xizbul Islaam ay ku biiren dhinaca dowladda KMG ah.

    Shiikh Cali Maxamuud Raage afhayeenka xarakada Al-shabaab oo saxaafadda Muqdisho maanta shir jaraa'id u qabtay ayaa warar been abuur ah ku tilmaamay in qaar kamid ah xoogagooda ay ku biireen dowladda KMG ah.

    "Ma jiro mujaahid dhankeena ka tagay oo ku biiray qolada dowaldda, waana arrin been abuur ah" ayuu yiir Shiikh Cali Dheere afhayeenka xarakada hubaysan ee Al-shabaab.

    Wuxuu soo hadal qaaday awood siinta ciidamada AMISOM oo ah inay weerari karaan xoogagga hubaysan, isagoona sheegay in haddii ciidamada AMISOM fariisimadooda ka soo baxaan ay dagaal la gali doonaan sida ciidamadii Itoobiyaanka.

    "Meydadka Ugandha iyo Brundi oo waddooyinka Muqdisho ay caruurta jiidayaan ayaa la arki doonaa haddii ay banaanka uga soo baxaan xarumohooda" ayuu yiri Cali dheere afhayeenka Al-shabaab.

    Mar la weydiiyey waddooyinka Muqdisho qaar kamid ah oo ay jareen wuxuu sheegay inay tahay qidad dagaal oo islaamka lagu yaqaano, isagoona sheegay inay isaga difaacayaan ciidamo cadow ah oo uu sheegay inay kusoo duuleen dalka Somalia.

    Si kastaba ha ahaatee hadalka afhayeenka Al-shabaab ayaa imaanaya xilli maalintii shalay dowladda KMG ah ku dhawaaqday inay socdaan wada hadalo u dhexeeya iyada iyo xoogagga hubaysan islamarkaan qaar kamid ah xoogagga hubaysan ay dowladda KMG ah ku soo biireen.

    Add to: Add to your del.icio.us del.icio.us | Digg this story Digg

    Comments (4 posted):

    abdifatah on 05 September, 2009 07:51:58
    who needs them even for them to join. like it or not you will see the coming days what will happen to these pagans.
    who use the name of islam to get funds.
    with the support of the Al-mughty they will be cleaned from the land.
    can we call these lads who enjoy the surferring of the innocent muslims
    Mosse on 06 September, 2009 01:55:42
    War kibirka waa lakugufaa aan idin xasusiyo.Laskama oran macnaha loyiri tabteedi baad kujoogtaan ee ragoow taa hala'ogaado.Walaalowda macnadileysaan maxubadeeda qomama idinka raaci donde taana hala'ogaado.Nin maslaxa diiday masiir mayeshee mamuuska aad doneysid walaalkana uditantahay lakumatanae taana hala'ogado.Danta guud qaarada jareer iyo jileec inta xilkas ah ciida Afrikanka xilbaa kasarane dadoow taana hala'ogaado.Wabilaahi towfiiq
    jaaaaaaaaabir on 06 September, 2009 04:20:12
    musoow ma,ahan adalka saad udhigtay ee mujaahidiinta waxey heshiis iyo wada hadal lagalaayaan nin xor eh magaratay laakiin nin asigaba aan meel heeysan oo inta udhexeysa madaxtooyada iyo airporka keliya oo waliba yaa,allaah lagu geeynaayo markuu dhoofaayo airpotrka hadana markuu kusoo laabanaayo muqdisho uusan ogeyn xitaa inuu kusoo gaaraayo madaxtooyada sinabad ah oo taangi daboolan lagu wado maninkaasaa xor ah oo heshiid ama wadahal lala galaayaa sxboow ufiirso qofka diidan iney soomaaliya nabad kadhalato waa qofka isku dhiibay gaalo uu umaleeyey iney gaalada meel fiican ay geeynaayaan tusaale ahaan shalay shariifka markuu madax u,ahaa maxaakiimta sow ma,eheen qof xor ahoo afgooye ilaa iyo meeshu doono adi jiray xamar laga soo bilaabo kaaraan ilaa iyo dharkeenleey meel uusan tagi kareen majirin laakiin waxaa qaaday hunguri weyn wuxuuna kudhacay imtixaankii u ilaaheey ku,imtixaanay ee aheed markii ay galen howdka asiga walaalihiisa mujaahidiinta ayaa hadana uu kajeclaaday gaalo maantana waatan heeysato meel uu kuharsado malahan mahadli karo ,oo go,aan magaari karo haduu xitaa wuxuu asiga rabo oo ah inuu karaali galiyo mujaahidiinta masameyn karo oo xor ma,ahan marka shariifka meeshu maray intii muslim ah ilaaheey haka badbaadiyo walaahi aniga waxaan aqaanaa dad badan o asiga raacay oo kujira waxey kusheegaan baarlamaan waxey iisheegaan iney qaata bilaaya kataagan yihiiiin oo xaasakooda uma tagi karaan hotel ayey kuxareeysan yihiin midkii hooyadiisa xanunsan xitaa masoo booqan karo marka sxb muusoow ufiirso oo dib ufeker qof katirsan xisbul islaam ama aldhabaab oo diidan nabad majiro laakiin waxey leeyihiin war gaaladaan fara gelintta hanaga dhaafto oo an iska dhicino hadhowna soomaali oo saafi eh ha,isu imaado wabilaahitowfiiq
    on 06 September, 2009 06:43:29
    Qorshaha waa kuugu jiraa ee umadda been ha u sheegin cid hesiiskaaga ku farxeeysa ma jirto waayo soomaali oo idil baad dambi ka gashay waad ogtahay heshiis iyo heshiis la-aanba in lagaa goinayo dhibaatadaad geeysatay.

    Post your comment

    Please enter the code you see in the image:

    • Email to a friend
    • Print version
    • Plain text
    Rate this article
    0
    Vivvo Boondheere.com