

Ciidamada Ugandha oo loo fasaxay inay weeraraan xoogaga Muqaawamada.
Ururka Midowga Afrika ayaa awood buuxda u siiyey ciidamada AMISOM kuwooda ka socda dalka Ugandha inay weerari karaan fariisimada xoogagga hubaysan ee kahorjeeda dowladda iyo joogitaanka ciidanka AMISOM.
Midowga Afrika ayaa dib u eegis ku sameeyey howlgalka milatari ee ciidamada Ugandha, waxaana uu si buuxda u ogolaaday in ciidamada Ugandha ee Muqdisho jooga fulin karaan weeraro kadhan ah xoogagga hubaysan ee kahorjeeda joogitaankooda.
Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Ugandha Dr. Crispus Kiyonga oo warbaahinta kula hadlay magaalada Entebbe ee dalka Ugandha ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Ugandha ee jooga magaalada Muqdisho ay heleen sharci u ogolaanaya inay weerari karaan goob walba oo ay joogaan xoogagga hubaysan.
" Ogolaansha la siiyey ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Ugandha ujeedkiisu waa in laga hortago weerarada joogta ah ee ciidamada Ugandha uga imaanaya xoogagga kahorjeeda dowladda" ayuu yiri Dr. Crispus Kiyonga wasiirka gaashaandhigga dalka Ugandha.
Wuxuu intaas ku daray in sidoo kale arrintaan ay yareyn doonto dagaalada sii kordhaya ee ka scoda dalka Somalia, isagoona sheegay in sharcigaan awoodda lagu siiyey ciidamada Ugandha lagu ansixiyey kulankii midowga Afrika ku yeeshay dalka Liibiya.
Si kastaba ha ahaatee awood kordhinta ciidamada AMISOM ayaa imaanaysa xilli xoogagga hubaysan ay laba jibaareen weerarada ay ku qaadaan fariisimada ciidamada AMISOM Muqdisho ka joogan, mana cadda waxa ay soo kordhin doonto awoodda dheeriga ah ee la siiyey ciidamada Ugandha.
Comments (2 posted):
Post your comment